Sawirro: Shaqaaqadii ka dhacday dhulka Dhismaha Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Gaalkacyo oo lasoo afjarayey (muuqaal)
08 April 2020 (Puntlandes) Dhismaha Garoonka Cusub ee Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Waxaa ka qabsoomay kulan lagu soo afjarayey Shaqaaqadii ka dhacday 12 bishii March 2020, oo sababtay Dhimisho iyo Dhaawac.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda DPL, Masuuliyiinta Gobalka, Degmada, Xisaabiyaha Maaliyadda, iyo Hogaanka Dhaqan oo uu hogaaminayo Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mirre, ayaa soo afjaray Shaqaaqadii Dhawaan Ka dhacday Dhulka laga dhisayo Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo ka hadlay kulan ayaa ugu horeyn digniin udiray Dadka Ku howlan ku habsiga Dhulka Danta Guud, isagoona sheegay Inay Dowladda Puntland gacan bir ah ku qaban doonto cida isku dayda.
Ugu danbeyn Wasiir Dhabancad wuxuu Sheegay in dhawaan Dowladda Puntland Ay soo saari doonto go’aamo lagu difaaci doono dhammaan Ciidanka Puntland, ee ka howlan waajibaakooda shaqo, cidii isku deyda inay ka hortimaado.
Kulanka Waxaa sidoo kale kasoo qeybgashay Xildhibaan Shukri Aadan Camey, Oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Faderalka Soomaliya, oo safar shaqo ku joogta Deegaanada Puntland.