Muuqaalo: Madaxweynaha Sland, Shir-Guddoonka labada Aqal Iyo Hoggaanka Axsaabta oo ka hadlay Covid-19 iyo wadahadalada ..
09 April 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah shacabka ula hadlay.
Mas’uuliyiinta ayaa waxay ka hadleen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo cidda xaqa u leh inay ka hadasho, iyaga oo sidoo kale bulshada u diray fariimo cadcad oo la xidhiidha badbaadada xanuunka COVID-19.
Madaxweynaha iyo madaxda kale waxay ugu horrayn bulshada ugu baaqeen inay qaataan awaamiirta iyo soo jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fikiraan badbaadooda iyo midda shacabkaba, iyaga oo sidoo kale digniin u diray salaadiinta iyo madax-dhaqameedka maalmahan ku dhiirranaya inay ku mashquulaan ka hadalka arrimaha siyaasadda oo ay bulshadu cid gaar ah u igmatay.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay shirka jaraa’id ee madaxda qaranku ku qabteen xarunta madaxtooyada, ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay, waxaana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”
Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen, waxana uu yidhi, “Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii hore la keenayo iyo haddii labo cusub la keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno, komishankuna inoo dhammaystirmo.”
Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo goobta ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn shacabka uga mahadnaqay sida ay ugu dhego-nuglaadeen waanooyinkii ay soo jeediyeen guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha.
Ugu horrayn madaxweynuhu waxa caddeeyey maqifka Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho dhiggeeda Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado, “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu usoo jeediyey inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada qalloocan ee ay marayaan, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Puntlandes,com