Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland TPEC oo kordhiyey xilliga dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad

09 April  2020 (Puntlandes) Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa kordhiyey mudo labo bilood ah xilliga dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad oo ku kayd 23ka bishan 2020ka.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga:

Ka dib baaris iyo qiimayn Guddigu ku sameeyay khatarta Caaquba Corona, waxaa soo baxday in khatarta xanuunkaan iyo fiditaanka uu ku samaynayo geyiga soomaalidu degto, wadamada deriska ah iyo guud ahaan caalamka ay tahay mid sii kordhaysa wallaac badana sii abuuraysa.

Sidaas darteed, Guddigu wuxuu xeeriyay arrimaha soo socda:

1. Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda dadaalada dheeriga ah ee ay wadaan si ay u buuxiyaan shuruudaha wajiga 2aad.

2. Waxaa la kordhiyay xilligii loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad iyada oo algu daray 2 bilood oo ka bilaabmaysa 23/04/2020 kuna eg 22/06/2020.

3. Waxaa la farayaa Ururada inay joojiyaan dhamaan kulamada dadweynaha illaa inta laga xaqiijinayo in khatarta xanuunkaan laga gudbay.

4. Waxaa sidoo kale muhiim ah in Ururadu ay si dhow ula socdaan warbixinada iyo talooyinka Guddiga ka hortagga Caabuqa Corona iyo bahda caafimaadka.

Qoraal rasmi ah oo la xiriira arrintaana waa lala wadaagay dhammaan Ururada Siyaasadda.

Puntlandes.com

About The Author