Daawo Video: Wasiir Dhabancad ”Doorashada oo dib-u-dhacda dalka waxay gelin doontaa degenaansho la’aan”
12 April 2020 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in aragtida Puntland ee doorashooyinka soo socda ay tahay in waqtigeeda ku qabsoonto, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda DFS iyo maamulada dalka ay isu yimaadaan si laysula meel dhigo Arimaha Doorashooyinka.
Wasiir Dhabancad ayaa yiri “Doorashada Soomaaliya oo dib u dhacda, iyada oo xanuunkan lagu marmarsiiyoonayo, waxay dalka gelin doontaa degenaansho la’aan, waa in loo diyaar garoobaa dalka in ay doorasho ka dhacdo xiligeeda, si looga hortago in dalka uu galo carqalad xagga dastuurka ah”
Sidoo kale Dhabancad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dadaalkana looga hortago cudurka Covid-19 gacan lagu hayo oo laga wadosahaqynayo, dhinaca kalena loo baahan yahay sidii doorasho loo qaban lahaa.
Puntlandes.com