Bandow lagu soo rogey xilliyada habeenkii magaalada Muqdisho
12 April 2020 (Puntlandes) Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.
Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.
Taliyaha Booliiska waxaa kaluu sheeygay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga.
Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sidooo kale dadka ka codsaday inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan.
Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin,
Tan iyo markii cudurka Coronavirus lagu arkay dad qaba magaalada Muqdisho ayaa dowlada federalka waxa ay soo saareysay go’aano is xigxiga kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in la joojiyay duulimaadyada dalka gudihiisa iyo dibadiisa,xarumaha waxbarashada oo la amray in la xiro,xuduudaha dalka oo la xirey iyo amaro kale.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ku geeriyooday qofkii labaad ee laga helo cudurka Coronaviruska waxaana iyadoo tirada uu soo ritey cudurkana ay kor u dhaaftay labaatan ruux.
Puntlandes.com