Sawirro: Qoorqoor oo xilka la wareegay (muuqaalo)
13 April 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay xilka ku wareejiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Doorashadii Axmed Qoorqoor ee muranka dhalisay, ayaa ugu dambeyn lagu xaliyay qaab wada hadal ah iyo dib u heshiisiin ah oo lala galay dhammaan dhinacyadii ka soo horjeeday, waxaana Madaxweyne Qoorqoor lagu ammaanay dadaalka uu sameeyay ee uu u galay inuu la heshiiyo xubnihii ka soo horjeeday.
Xil wareejintii xalay ayaa soo afjareysa khilaafaadkii siyaasadeed iyo dhinacyadii garabyada u kala qeybsanaa, waxaana Madaxweyne Axmed Qoorqoor u baryay waa cusub oo ku daadihin karo maamul khilaaf la’aan ah, lagana sugayo inuu Galmudug u horseedo horumar iyo midnimo, si ay uga soo kabato khilaafaadkii afarta sano ee ragaadiyay maamulkii ka horeeyay.
Khudbadii Xaaf ee xil ku wareejinta MD Qoorqoor