Sawirro: Axmed Madoobe oo la heshiiyay muraacaradkii Jubaland ee Xiddig iyo Seeraar

23 April  2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha la baxay Isbeddel-doonka Jubaland, oo ay hoggaamiyaan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig, ayaa Heshiis rasmiya ka gaaray Murankii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Maamulkaas ka dhacday bishii Agoosto ee sannadkii 2019.

Heshiiska ay hadda saxiixdeen dhinacyadu, oo ka kooban todoba qodob, waxaa lagu go’aamiyay in la soo af-jaro dhammaan Khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Jubaland, islamarkaana Xiddig iyo Seeraar si buuxda u aqoonsadaan Dib u doorashada Axmed Madoobe.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in Madaxweynaha Jubaland uu soo dhiso Xukuumad oo tayeysan, taasi oo ay qayb ka yihiin Isbahaysiga Xiddig iyo Seeraar, iyadoo la ilaalinayo Habka Awood-qaybisga Beelaha Jubaland.

Akhriso heshiiska


Puntlandes.com

About The Author