Daawo Video: Somaliland loo si KMG ah u joojiyey keenista iyo ka ganacsiga Qaadka
23 April 2020 (Puntlandes) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in ay si ku meel gaar ah u joojisay ka ganacsiga iyo cunista Qaadka, si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa go’aankaasi magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay, kadib kulan dhexmaray ganacstada Qaadka iyo guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga iyo maaraynta xanuunka Coronavirus.
Mudane Saylici, ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan-geli doono laga bilaabo Axadda todobaadka soo socda ee ku beegan 26-ka bishaan April, uuna ku egyahay 21- bisha May ee soo socota, si looga feejignaado faafidda cudurka.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay ku amran yihiin, in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo Jaad soo gelisa gudaha Somaliland mudadaasi cayiman oo dhan 25 cisho.
Puntlandes.com