Sawiro : Madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-2-2015 ka qeyb galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka Aduunka sidookalana waxaa uu dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee xarunteeda Puntland.

Ugu Horayn Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo xarun weyn looga dhisayo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxana ay noqonaysaa xaruntaas mid lagu horumariyo Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

” Af-Soomaaligu waxaa uu u baahanyahay in uu la socdo horumarinta aqoonta, horumarinta ilbaxnimada iyo xadaarada mar walba kordhaysa ee aduunka ku kordhaysa ayaa larabaa in Af-keenu uu la jaanqaado”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Hoolka Jaamacada Bariga Afrika kaga qeyb galay Xaflad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka Aduunka.

Munaasibadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Waxgarad, Isimo, Dhalinyaro , Haween ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya iyo sidookale dhar ka tolan Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya.

” Aniga rajadaydu wey fiican tahay, waxaan aaminsahanay dhaqankeeni, Hiddaheeni iyo weliba Af-soomaaligeenu imbadan oo diyaar u ah inay diifaacaan inay jiraan, luuuqad saddex kuno oo sano soo jirtay ilaa hadana jirta waxay ila tahay inaysan sahal ku dhamaanayn” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Luuqada Af-soomaaliga ahi waa luuqada gaarka ah amase luuqada dawliga ah ee dalkeena Soomaaliya, in badan oo aduunkana waa lagaga hadlaa sababtoo ah wadamada aanu dariska nahay, tusaale ahaan Dawladda Jabuuti waxay u tahay luuqada Qaranka” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Bahda Warbaahinta, Madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah iyana doorkooda uga qaatan horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

” Qofku markuu luuqadiisa si fiican u yaqaano oo uu barto ayuu luuqadaha kalana ku fiicnaanayaa hadii Alle idmo, dadkeena dibada jirana waxaan ku baraarujinaynaa inay ilamahooda Af-soomaaliga baraan” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

IMG_4108 IMG_4113 IMG_4115 IMG_4117 IMG_4119 IMG_4123 IMG_4129 IMG_4159 IMG_4164 IMG_4172 IMG_4173 IMG_4182 IMG_4183 IMG_4186 IMG_4188 IMG_4192 IMG_4196 IMG_4204 IMG_4215 IMG_4222 IMG_4226 IMG_4265 IMG_4270 IMG_4280 IMG_4282 IMG_4286 IMG_4311 IMG_4312 IMG_4313 IMG_4316 IMG_4323 IMG_4325 IMG_4328 IMG_4330 IMG_4341 IMG_4344 IMG_4350 IMG_4360 IMG_4369 IMG_4383 IMG_4392 IMG_4394 IMG_4395 IMG_4396 IMG_4397 IMG_4398 IMG_4399 IMG_4400 IMG_4409 IMG_4422 IMG_4425 IMG_4442 IMG_4444 IMG_4446 IMG_4467 IMG_4472 IMG_4478 IMG_4485 IMG_4498 IMG_4501 IMG_4511 IMG_4530 IMG_4532 IMG_4539 IMG_4547 IMG_4549 IMG_4568 IMG_4588 IMG_4610

 

Puntlandes.com

About The Author