Sawirro: Shirkii Wasiirada Maaliyadda DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah oo qabsoomay
25 April 2020 (Puntlandes) Waxaa maanta qabsoomay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka ka Gobolka Banaadir.
Shirka oo aan qabsoomin muddo kadib markii ay q aadacday Jubaland, Puntland na ay ka cudurdaaratay ayaa maanta waxay uga wada hadleen wasiiradu sidii ay si wadajir ah uga hortagi lahaayeen saameynta dhaqaale ee cudurka Covid-19.
Wasiirka Maaliyada dawladda Federaalka C/raxmaan Beyle ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay inuu ku faraxsan yahay dib u bilaabashada shirarkaan iyo wadashaqaynta dawlad Goboleedyada dalka wuxuuna yiri ”Mar kale waxa aan ku faraxsanahay wadashaqeynta wanaagsan ee nagala dhexeysa Dowlad-Goboleedyada, taasoo horseed u ah horumarka dhaqaalaha dalka”
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Maaliyada dawladda Federaalka, dhamaan wasiiradda dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa hakad waxaa ku keenay khilaafka doorashadii Jubaland oo ay DFS aqoonsan wayday.