Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir gudoomiyey kulanka bilaha ah ee Gudiga Hagida Farsamada ee mashaariicda PFM & DRM iyo RCRF (Technical Steering Committee meeting)

26 April  2020 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL, Mudane Xasan Shire Abdi ayaa shir gudoomiyey kulanka bilaha ah ee Gudiga Hagida Farsamada ee mashaariicda PFM & DRM iyo RCRF (Technical Steering Committee meeting). Iyo dhamaan mashaariicda kale ee uu Maalgeliyo Bankiga Aduunku.

Ugu horeyn waxaa shirka lagu daah-furay Quraanka Kariimka, intaa kadib waxaa Shirka kalmado kooban kasoo jeediyey Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mudane Xasan Shire Cabdi, isagoo sheegay ‘’Waxaa loo baahan kulankaan in uu ku qabsoomo waqtigiisa isla markaana uu ka dhaco hadba Meesha aan joogo si aan ula socono shaqada waxa Qabsoomay, iyo Caqabaha jira

Intaa kadib waxaa warbixin dhinacyo badan taabanay soo jeediyey Xiriiriyaha PFM Mr. Cabduqaadi Axmed Xaashi. Isagoo ka hadlay qaybo kala duwan oo mashruuca iyo guulaha la gaadhay, isla markaana waxaa Su’aalo laga weydiiyey shaqooyinka aan wali qabsoomin iyo sababta.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Mashruuca RCRF oo ka mid ah mashaariicda ay maamusho W/Maaliyadda uu maalgeliyo Bankiga Aduunka, waxaana si qoto dheer uga hadashay Shukri Warsame oo ah Maamulaha Mashruuca RCRF

Ugu danbeyn waxaa soo xiray shirka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi isagoo ugu mahad celiyey dhamaan qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda sidii ay u soo bandhigeen shaqooyinka loo igmaday wixii u qabsoomay, waxa aan u qabsoomin, wuxuuna xusay in intooda badan xal loo helay caqabadihii taagnaa, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ‘’kulankan bilaha ahi wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dar-darglinta shaqooyinka Wasaaradda iyo Mashaariicda ay Wasaarddu hogaamiso.


Puntlandes.com

About The Author