Sawirro: Guddoomiye kuxigeenka cusub ee maaliyadda G/Banaadir oo xilka la wareegay

29 April  2020 (Puntlandes)  Guddoomiye kuxigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ayaa xilka kala wareegay Guddoomiye kuxigeenkii hore.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta dowladda Hoose ayuu Guddoomiye kuxigeenka cusub waxaa uu xilka kala wareegay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Mahad-Alle.

Waxaa munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Gobolka Banaadir.


Puntlandes.com

About The Author