Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo isku shaandheyn ku sameeyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ballaaran uu ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiiada, Wasiir kuxigeeeenada.
Isku shaandhayntan ayaa sidoo kale magacaabis iyo xil-ka-qaadis lagu sameeyay qaar ka mid ah hoggaanka sare ee Ciidamada.
Waxaa kaloo isbedello iyo magacaabis lagu sameeyay agaasimayaal iyo madaxda heyado madax banaan oo ka tirsan Maamulka Somaliland, iyadoo is bedelkan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee muddo sanado uu sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.
Hadaba wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa sidan u qorneyd:-
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaradda dalka iyo W/ku-xigeenada Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
LIISKA WASIIRADA CUSUB IYO KUWA LA ISKU BEDELAY | |
1 | In Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland (Hore W/xanaanada Xoolaha) |
2 | In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo Cayaaraha) |
3 | In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland |
4 | In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland (Hore W/Maaliyada) |
5 | In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland (hore W/Waxbarashada) |
6 | In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Somaliland |
LIISKA WASIIR KU XIGEENADA LA ISKU BEDELAY IYO KUWA CUSUB | |
1 | In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland |
2 | In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland |
3 | In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland |
4 | In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland |
5 | In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland |
6 | In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland |
7 | In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland |
8 | In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland |
9 | In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland |
10 | In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland |
11 | In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland |
12 | In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland |
13 | In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland |
14 | In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Somaliland |
15 | In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland |
16 | In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland |
17 | In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland |
18 | In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland |
19 | In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland |
20 | In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland |
LIISKA TALIYEYAASHA CIIDADAMADA $ AGAASIMEYAASHA GUUD | |
1 | In General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Badda ee Somaliland (Hore Taliyaha Asluubta) |
2 | In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland |
3 | In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland |
4 | In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha |
5 | In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
6 | In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda |
7 | In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda |
8 | In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga |
LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN | |
1 | In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland |
2 | In Mudane, Siciid Xasan Cabdilaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL |
LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL | |
1 | In Mudane, Cabdoo Axmed Aayir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda |
2 | In Mudane, Maxamed Ibraahim Qabo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka |
Xilka Qaadista Masuuliyiintii Hore
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Mudaneyaal,
Waxaan aad iduunku mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad qaranka u hayseen , masuuliyiinta aan xilalkaa u soo igmaday.
LIISKA XILKA QAADISTA | |
1 | Ku: Mudane, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
2 | Ku: Mudane, Xuseen Axmed Cabdille, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha |
3 | Ku: Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, Wasiiru-dawlihii hore ee W/Xanaanada Xoolaha JSL |
4 | Ku: General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Badda |
5 | Ku: Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka |
6 | Ku: Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
7 | Ku: Mudane, Nuux Sh. Muuse Ducaale, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda |
Puntlandes.com