Sawiro: Olalaha la-dagalanka Qaadka oo gaaray goobaha waxbarashada magalada Qardho
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaad-diid” oo ay weheliyaan mamulka waxbarashada magalada Qardho iyo kan degmada ayaa maanta oo Isniin ah booqashooyin ku tagay qaar ka mid ah Dugsiyada sare ee magalada Qardho.
Iskuulada ay tageen masuuliyiintan ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Cismaan Cumar, Al-Mundada iyo Al-Imam Nawawi halkaasoo ay kula hadleen Ardayda isla markasna uga war bixiyeen wacyi galinta Qaadka iyo sida ay muhiim ugu tahay goobaha waxbarashada inay gaarto oo casharada iskuulada lagu daro.
Gudoomiyaha waxbarashada magalada Qardho ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin wacyi galinta uu Qaaddiid wado, wuxuna sheegay inay muhiim tahay Ardayda Dugsiyada sare inay farriintani gaarsiiyaan guryahooda.
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ayaa u mahad celiyay mamulka Gobalka Karkaar iyo kan degmada, wuxuna intaasi ka dib ardayda Qardho ku dhiirigaliyay inay yihiin hoggaamiyaasha barito sidaasi darteedna looga baahan yahay inay jiilasha soo koraya ka ilaaliyaan cunista iyo ka ganacsiga qaadka.
Qaar ka mid ah Ardayda dhigata Iskuuladii uu booqday Qaad-diid ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Puntland ee Soomaaliyeed inay go’aamo kasoo saaraan Qaadka faraha badan ee lagu soo daabulayo gudaha Soomaaliya, taasoo caqabad ku ah mustaqbal ifaya oo ay helaan dhalinyarada Puntland, waxay kaloo Abuukar Cawaale wax ka waydiiyaan dhibaatooyinka uu Olalaha kala kulmay iyo rajadiisa danbe ee Puntland in qaadka laga joojiyo.
Waa markii ugu horaysay uu Puntland ka bilowdo olale looga soo horjeeda Qaadka Soomaaliya uga yimaada Kenya iyo Itoobiya, kaasoo sii labo jibaarmay kolkii laga joojiyay Dalka Ingiriiska.
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD