Aqoonyahan Sayid Bashiir ”Gaadayare iyo Dhagawayne Waxay Ka Mid Yihiin Caqabadaha Hortaagan Isbadalka Dr Gaas Ku Yaboohay”
Sayid Bashiir oo ah aqoonyahan u damqanaya horumarka iyo wadajirka Puntland ayaa wuxuu qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook ga kaga hadlay waxa Gobolka Mudug u diidan in uu ka hanoqaado Horumarkii iyo Isbedelkii uu madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu balanqaaday markuu shacabka Puntland ka codsanayey in ay u doortaan kursiga madaxtinimada Puntland.
Aqoonyahan Sayid Bashiir ayaa ku bilaabaya qoraalkiisa miisaanka ay leedahay arinta Gaadayare oo ahaa Xisaabiyaha guud ee wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug tan iyo sanadku markuu ahaa 1999 iyo Dhagaweyne oo ahaa mareeyaha Airportka Abdulahi Yusuf ee Gaalkacyo tan iyo sanadku markuu ahaa 1991 wuxuuna u qoray sidatan ”Dhagaweyne iyo Gaadayare Waxay Ka Mid Yihiin Caqabadaha Hortaagan Isbadalka Dr Gaas Ku Yaboohay”
Aqoonyahan Sayid Bashiir ayaa qoraalkiisa isagoo sii wata waxa uu akhristayaasha u iftiiminayaa Musuqmaasuqa, nin jeclaysiga iyo eexda Puntland yaala waxa uuna yiri ”Maamulka Puntland waxaa Habsaamiyay Qof Jeclaysiga iyo Eexda Tolkaa kugu Garab Istaagayo, Xilalkiina Waxay Noqdeen goobo Shaqsiga Madax noqdaa Qoyskiisa Ugu Adeego”
Aqoonyahan Sayid Bashiir ayaa waxa uu akhristayaashiisa xusuusinayaa balanqaadkii Dr Gaas markuu u tartamayey kursiga madaxtinimada Puntland ee ahaa Isbedel dhab ah, Cadaalad iyo Horumar la taaban karo wuxuuna yiri ”Hadaba Wakhtigii Doorashada Dr Gaas isagoo Taa Ka Duulaya Ayuu Balan Qaaday Inuu Isbadal Baaxad Leh Samayn Doono, Uuna Puntland Ka Hirgalin Doono ‘Meritocracy System’ Oo Xirfada iyo Aqoonta U Hiilin Doono, Odayada Kuraasta Isa Siiyayna Seeftu Leefi Doonto”
Ugu dambayntii Aqoonyahan Sayid Bashiir ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabynaya Isbedel la’aanta iyo wax qabad la’aanta dul hoganaysa Gobolka Mudug isagoo uu Gobolku u baahan yahay ”Isbedel” ayna tahay waajib in wax laga qabto wuxuuna yiri ”Sadex iyo Toban bilood Kadib Gobolka Mudug Isbadal wayni Kama dhicin Marka laga Reebo dhismaha Gole Deegaan, Dhagaweyne iyo Gaadayarena Sanadkii 17ad Baa ugu Dhashay Kuraastay Ku Fadhiyaan, Waa Su’aale Maxaa Hortaagan in Odayadaan Meesha Laga Badalo”
W/Q Aqoonyahan Sayid Bashiir
Xigasho: https://www.facebook.com/sayid.cumar.96?fref=ts
Daabacaadii: Puntlandes.com