Dawlada uu Dr Gaas Hogaamiyo ”HOOBO HOOSTAA WAA ABAARE” W/Q Saliid
Erayadaas aan Cinwaanka u doortay waa erayo la isticmaalo marka Jiaal dheer la soo maro kadibna uu curto roob sida badan ku bilawda shuux. Markaas bay dadku iyagoo ka welwelsan in uu joogsado yiraahdaan ”hoobo hoostaa waa abaare” iyagoo ku guubaabinaya roobka in ay wali jirto baahi.
Shalay waxaa TV- yada laga daawaday iyadoo Wasiiradii Wasaarada Dastuurka iyo Arrrimaha Federalka ee Puntland wareejinaysa xilkii ay ummada u haysey.
Hadaba Maxaa sababa in wasiir ama qof xil weyn oo tanoo kale ah haya uu isaga tago shaqada?
Waxa inta badan keena sedatan:
In uu la shaqayn kari waayo cidda ay shaqadu ka dhaxayso, in uu xanuunsado oo caafimaad daro ama gabow u shaqa la wadi kari waayo uu jiro, in loogu badalay shaqo kale oo tan uu hayo ka fiican ama ka muhiimsan.
Intaas oo dhami waa tuhunada ugu dhaw oo loo malaynkaro in mid uun ay ahaato sabab shaqo mihiim ah looga tago. Hadaba markii ay xilka wareejinaysey Wasiiradu ma aysan sheegin sababaha ay la wadi waysay shaqada, waxaynu inagoo dhami u wada jeednay in uusan jirin gabow, xanuun ama wax la mid ah oo ay la wadi waysan Wasiiradu shaqada. Noomana aysan sheegin in ay heshay shaqo kale oo ay ku badelatay tan. Waxaa kaliya oo qiyaas ahaan inoo soo haray wada shaqan la’aal, ama ku wareerid meesha wax loo wado iyo cida wax wadda. Taas oo uga timid cida uga saraysa hawsha oo ah Dr Gaas (ama XAMAR?????? Shaqaalaha hoose ee Wasaaradda Dastuurka Federaalka ) .
Hal bil ka hor baa shirkado muddo shidaal ka baarayey Puntland, oo malaayiin dolar ku bixiyey, uga tageen Puntland in ay ku wareereen sharcinimda xukuumada hada Puntland ka jirta waa siday iyagu sheegeene. Wada shaqayn la,aan iyo in la kala garan waayey meesha talada Puntland ka go,do? Villa Soomaaliya, Agaasimaha Wasaaradda Macdanta Federaalka Misse Villa Puntland.
Dad badan baa laga yaabaa in ay ku wareeraan erayga oo u arkaan in aan ula Jeedo laba dawladood oo siman. Maya, xaashaa lilaahiye SHAQADA WAA LA KALA LEEYAHAY oo waxa ay Dawlda Federaalku u xilsaarantahay iyo waxa State: yadu u xilsaaranyihiin waxay ku qeexantahay Dastuurkii lagu heshiiyey, wixii ka horeeyey dawladda Gaas. Intii yarayd ee uu talada hayey Gaas wuxuu ka saaray meesha Dastuur wax la yiraahdo. Inkastoo marka uu khudbaynayo afkiisa aan laga waayin erayga Dastuur sidii uu wardi yahay oo kale.
Wax kastana waxaa la hoosgeeyey Villa Soomaaliya maamulayaasha hoose ee Wasaaradaha Xamar, oo aan uba Dhaqmin, rabina Federal iyo xukun baahsan.
Mar haday taasi jirto waxaan leeyahay saaxiibada wali ku shaqaynaya nidaam aysan aqoon waxa uu yahay in ay sida Wasiir Sahro oo kale, kala doortaan magac iyo magac xumo oo iyana meesha iska casilaan. Anoo la hadlaya inta Puntland dani ka hayso, kana damqanaya magac xumida la baday Puntland waxaan leeyahay HOOBO HOOSTIIN WAA ABAARE.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com