Maxey dowlada Gaas ku kala doortay Darasalaam iyo Tuurdibi (Kastamka PL iyo Itoobiya)
Waxaa jirtay in xili hore ay dawlada puntland qorshaysay in xuduuda u dhaxaysa Puntland iyo Itoobiya laga sameeyo xad sharciyaysan oo dadku isaga gooshaan iskuna dhaaf sadaan hawlaha ganaacsiga labada dal. Arintaan waxaa garwadaan ka haa madaxwaynihii hore ee puntland Dr Abdiraxmaan sheikh faroole oo ahaa ruugcadaa hormar lagu faano gaarsiiyay Puntland intii uu dalka xukumayay.
Gaar ahaan shacabka u dhashay dagmada daara salaam waxay u hayeen hadana u hayaan isaga sharaf maxaayeelay waa madaxwaynihii sixiixay oo dalka dariska Itoobiya lasaxiixay in darasalaam ay noqoto xuduuda kastamka ah ee u dhaxaysa eithiopia iyo puntland halkaana laga dhiso kastam taasoo si rasmi ah loogu heshiiyay labada dhinacba. Heshiis kaan oo ay labada dal wada galeen xili hore.
Nun ahaan tii magaran karo waxa gaarka ah ee laga helayo in heshiiskaa hore la dhinac maro oo madaxwaynaha puntland uu ganafka ku dhufto wixii uu katagay maamulkii ka horeeyay isaga oo meel aan waxbadanba ka fogeeyn darasalaam oo ah tuurdiba yiri halkan ayaa ahaanaysa kastam! Arinta waxay kala fogaynaysaa wada shaqaynta shacabka puntland iyo madaxwayne Abdiwali.
Waxaase aan dhiba kujirin in ay isku midtahay raalina laga wada yahay hadii laga dhigo tuurdibi ama darasalaam waayo labaduba waa puntland waana meel aan kala fogeeyn dadkunu waa isla dadkii uun labada meelba,faa iidaduna waa islameeshii ay kaheli lahaayeen degaanka iyo guud ahaan Puntland.
Hadaba u jeedadu marnaba maha in aan mucaaradayno meeshaa halaga dhigo iyo tanaaka haboon ee waxaa weeye dhib aan jirin lama abuuro siyaaso xumada iyo jileeca Abdiwali gaas madaxwaynaha puntland waxay keentay in aan idaacadaha ka dhagaysano Gudoomiye ku xigeenka gobolka mudug oo kawaramaya arinkaan,oo sheegay in eithiopia ay hore puntland ula gashay heshiiska kastamka oo ahaa darasalaam!!
Sidoo kale qunsulka u fadhiya itoobiya garoowe iyo gudoomiyaha dowlad goboleedka itoobiya ee wardheer sheegeen in uu heshiiska ahaa in DARASALAAM kastamka laga dhigo laakiin la hareer maray wuxuu yiri sidaan ayaan dib uga guranaya ilaa maamulka puntland isagu isa saxo itoobiya waxay cadeysay in ay diyaar u tahay laakiin maamulka puntland uu hareer marsan yahay heshiiskii hore.Dhowr maqaal ayaan ka qoray faa’iidada uu leeyahay kastamka waxaan u maleeyey in heshiiska itoobiya lala galay uu yahay kastamka tuurdibi baaritaan ka dib waxaan ogaaday in puntland wax isdaba marisay waxna u hagaagiweysan yihiin.
Maqaalkii hore aan ka qoray aqriso si aad u fahanto
ttp://www.allidamaale.com/maqaal-kastamka-turdibi-ee-puntland-iyo-eithiopia/
Waxaa halkaa ka cad Madaxwayne Abdiwali in uusan dhab ahaan kala xaajoonin eithiopia arimaha kastamka marka uu leeyahay tuurdiba weeye kastamku markaa arin aan bislaan in laysaga dhawaaqaa waxay keenaysaa masuuliyad daro iyo siyaaso xumo noocii uugu darayd. maxaa ku jaban hadii faroole hore hawsha u dhameeyay muu israaciyo uun “xashaaye nin libin kaa xistiyay xumihi waa yaabe”. dhanka kale haduu isagu u arko in ay ku haboon tahay xuduudu tuurdibi ma xuma waa sax laakiin yaad kala heshiisay ileen eihtiopia ayaa kastamku idiin dhexeeyaaye?
Xam xam na waaba maqlaynay waa yahan oo ah siyaasad fudeed puntland dhaqankaa malaha fudaydka ah madaxwaynoow ee ka fiirso arimaha miisaanka leh iyo khilaaf aan macno lahayn loona baahnaynba oo khasaare uun keeni kara.runtii shacabka reer puntland waa shacab hayin ah oo maamulkooda ogol taa macnaheedu waxaa weeye in hadad heshiis xariga kaga soo jarto kastamka tuurdibi iyo hadaad kan daarasalaam kaga soo jartaba ay marwalba raali yihiin dadka dagaanku waana laysku raacsan yahay.
Balse hadii fikirka aanu aragnaba shacab ahaan aadan nala arag oo ah in hadaanu nahay puntland u aragno in faaiido ku jirto in lahelo kastamkaas oo dhaqaalaha puntland korodh ku dhacayo fiicani maadaama habka ganaacsigu noqonayo hab cilmiyay san oo caalamka ka jira fursadna ay nootahay in aan eihtiopia si sharci ah isu dhaafsano badeecada gaalkacayana aynoqonayso santarka ama meesha dhexe ee wax lagu kala daabusho hadaadan faa iidadan nala arag hade sheeg oo markaa dheh inaga daaya arimaha kastam oo dhan.adoo cadaynaya sababaha. hadii kale adeer aan kuu ducaynee hormarka iyo aqoonta iyo cilmiga haka hor iman dadkana haystusin.waxaan rabaa wanaaga puntland iyo hormarkeeda mana jeceli nin meel gaaban fakarkiisu yahay iyo dib usocod gurxamaya oo isu maqla waxmagaratada xintamaysa.
Wixii hormar u ah dalka iyo dadka waa lagu dhiiradaa nololbaa larabaa iyo hormar.waxaan rajaynayaa in waa aduun waxaani faaiido doon baynu wada nahay ilaahay sida khayrka uu ugu jiro dawlad iyo shacaba dadka puntland in uu solonsiiyo guud ahaana wadankeena soomaaliya nabadeeyo.
Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com
Xigasho:Allidamaale
daabacaadii: Puntlandes.com