Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo
wafdi ballaaran oo ka kooban 28-xubnood ayaa maanta 03 March, 2015 ka
dhoofay caasimadda Puntland ee Garowe, waxayna wafdigu u anba bexeen
magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba-land.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya masuuliyiin ka tirsan
golayaasha Dawladda Puntland, Isimo iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa
sidoo kale safarkiisa ku weheliya xubno ka tirsan golaha Wasiirada
kuwaas oo kala ah Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Iyo Xiriirka Caalamiga
ah Dr. Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Indha
Guran, Wasiirka Kalluumaysiga Cabdinur Cilmi Biindhe, Wasiiru Dowlaha
Amniga Maxamuud Beeldaaje Faarax, Kusimaha Wasiirka Dastuurka iyo
Arimaha Federalka Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil, xubno ka tirsan golaha
shacabka Dawladda Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha Madaxtooyda
Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo
wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Kismayo waxaa garoonka
diyaaradaha ee magaaladaasi kusoo dhoweeyey madaxda ugu sarraysa
Maamulka Jubba-land oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Maamulka
Jubba-land Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo dadweynaha
magaalada Kismayo.
Safarka uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali
Gaas ku tagay magaalada Kismaayo ayaa yimid ka dib casuumad rasmi ah
oo uu ka helay Madaxweynaha Jubba-land Axmed Islaan (Axmed Madoobe).
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-glinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee
Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Puntlandes.com