Dhagayso. Xildhibaan Cabdi Bare ”aad baan uga xunahay warka dhagahayaga Garowe ka soo gaaraya”
Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira siyaasadda Puntland,waxuuna dhaliilay aad u xoog badan u jeedijey sida ay wax ku wado xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Wuxuu xildhibaanku aad u dhaliilaykhaasatan siday u maaraysay xukuumada Gaas maamul samaynta ”Gobolada dhexe”, wuxuu kaloo dhaliil taas la mid ah u jeediyey xuldhibaannada matalaya Puntland ee baarlamaanka Soomaaliya ku jira gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ka soo jeeda.
“Xildhibaannada Puntland ee faderaalka waa kuwii ugu tayada xuma abid,gaar ahaana gobolka Mudug,waayo waa rag an waxba u qaban,xildhibaan haddii la yahay in la is qaad qaado ma aha,”ayuu yiri xildhibaanku.
Xildhibaanku waxuu ku baaqay dadka Mudug iyo Puntland inay ka firsadaan xubnaha uga mid noqonaya baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa waraysigiisa ku sheegay inuu sharciga ka soo horjeeda shirka la sheegay in lugu dhisayo maamulka koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud.
“Maamulka sharci ma aha,waayo ma uusan buuxin sharuucda dhismaha maamul gobolleedka ee ku qeexan dastuurka dalka,”ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland.
Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland marayso meeshii abid ugu liidatay sida Amniga oo faraha ka baxay, dhaqaalaha oo meeshii ugu xumayd maraya dadkeedii iyo dhulkeedii oo ninba qayb xantoobsaday halka uu daawade ka yahay madaxweyne Gaas uuna masuuliyadaas qaadayo madaxweynihii loo igmaday in difaaco Puntland, horumarna gaarsiiyo.
Dhagayso Xildhibaan Cabdi Bare
Puntlandes.com