Sawiro: Mamulka Shirkadda Golis oo taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka
Masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda Isgaarsiinta GOLIS Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan soo dhawayn hotelka Villeg Bosaso ugu qabtay Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Mudane Abuuker Cawaale ”Qaaddiid”
Kulankan ayaa muhiimadiisu u dhacaysay sida madaxda iyo shaqalaha shirkadda Golis ula dhacsan yihiin wacyi galinta la-dagalanka Qaadka oo ka bilowday deegaanada Puntland.
Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Siciid Aadan Goys ayaa ku ammaanay Abuukar Cawaale, dadaalka iyo juhdiga faraha badan ee uu ku bixiyay sidii qoysaska Soomaaliyeed looga bad baadin lahaa aafooyinka uu sababo qaadka, iyo olalaha uu hada Puntland ka bilaabay, wuxuna sheegay Golis inay garab taagan tahay wax kasta oo umadda Soomaaliyeed dani ugu jirto isla markasna ka difaacaya dhiibaatooyinka.
Kulankan sidoo kale waxaa goobjoog ahaa masuuliyiinta ugu saraysa Mu’asasada Al-Minhaaj, waxayna dhankooda sheegeen inay ka qayb qaadanayaan Olalaha joojinta Qaadka, maadama uu saamayn ku yeeshay nolasha dadka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay ganacsatadda Soomaaliyeed inay dhankoodana taageero u muujiyaan.
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuker Cawaale ”Qaaddiid” ayaa marka hore u mahad celiyay madaxda iyo shaqalaha shirkada GOLIS sida ay mar walba ugu heelan yihiin wax walba oo ay ku jirta danta dalka iyo dadkaba, sidoo kale Qaaddiid waxa uu masuuliyiintan uga waramay la-dagalanka Qaadka marxaladaha kala duwan ee uu kasoo maray iyo ujeedadiisa ka danbaysa in Soomaaliya Qaadka laga mamnuuco, wuxuu sheegay inay tusaalooyin ugu filan yihiin sida dowladdaha dariska la ah Soomaaliya maalin kasta u guranayaan dhaqaalaha umadda, iyadoona badalkeeda qaad dalka soo galiya.
Cawaale Qaaddiid sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay Xawaaladaha AMAl, IFTIN,TAWAKAL, Jaamacadda Bariga Africa iyo Al-Minjaad , kuwaasoo dhammaan tood garab istaagan Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
Shirwayne qaran oo looga hadlaya Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa ayaa Arbacada lagu qabanayaa hoolka Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda magalada Bosaso.
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
Qaaddiid2015@gmail.com
DHAMMAAD.