Xukuumadda Professor/Dr. Gaas iyo karti la’aanta hogaamineed W/Q Saliid

Waxaan maanta akhriyeyey faalo loogu magacdaray BIXINTA CASHUURTU WAA DHISMAHA DALKAAGA, halkan ka akhriso.

Waxaa ku qoran in ay kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada PuntlandMarkaan wax yar wadey baa waxaa iisoo baxday aqoondarida qofka qoray iyo sida uu uusan u aqoon  qaababka wax loo cabiro. Markaas baan waxaan is irri oo duulku malaha, aamusnaantayba ku roonaayeen. Tusaale yaasha meesha ku qoran baa waxaa ka mid ahaa sidatan:

” Muwaadin Ka soo qaad hadii guri walba oo ku yaalla gudaha Puntland Dhammaan Sagaalka Gobol ee Puntland uu Bixiyo Cashuurta qaddar ah $1 oo keliya immisa guri ayaa ku yaalla Puntland Magaalo weyn ilaa Daabiyad ama Tuullo Dhaqaale intee le’eg ayaa Kasoo Xeroon lahaa Baad is Leedahay?.

Hakan ka daawo hees uu Cabdirashiid Yuusuf Jibrii Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, WG, Hiddaha … madaxtooyada Puntland ku amaanayo Gaas

Muwaaddin kasoo qaad Dadka Puntland jooga Ku dhowaad 3million baa lagu qiyaasaa ka waran haddii qofkasta oo Puntlander ah uu bixiyo wax u dhigma $1 oo keliya bishii, sannadkii Immisa Million Baa Inoo soo xeroon lahayd ”

Halkana ka daawo heestii uu Mr Jibriil ku mutaystay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland

Bal kan kore ha ii danbeeyee kan hoose ila eega. Wuxuu yiri ama is waydiiyey 3M bishii haday soo xarooto imisha baa sanadkii soo xaroon lahayd?????????

Bal aynu uga jawaabno oo waliba ugu darno in ay intaas ka badan ka soo xarooto  hal magaalo oo kaliya bishi, bal daa reer Puntlandka uu qiyaasay inta  population: keedu le’eg yahaye. Jawaaabtu waa sidatan:

12 X 3 = 36 = 36M sanadakii. Bal hadda qiyaasa madaxtooyada Puntland aqoonteeda, oo hada ogow  madaxweynaha meeshu waa Professor/ PhD dhaqaalaha ah !!!!!!!!!!.

Bal inta aannaan u gelin waxa ay ugu filantahay lacagtaasi ninkan raba in uu wax guubaabiyo, oo haddana aan aqoon sida wax loo guubabiyo, aynu fiirino inta population:kaas bixinaya min 1$ intooda ah qof wayn oo canshuur bixin kara amaba ay  ku waajibayso. Qiyaastii qaramada midoobey ee sanadkii 2010 waxaa caruur da,doodu ka hoosayso 14 ahaa 44,9% oo marka lagu dhufto 3000 000 noqonaysa =1347000 oo Caruur ah.  Fiiri tabeelaha hoose.

Total population (x 1000) Population aged 0-14 (%) Population aged 15-64 (%) Population aged 65+ (%)
1950 2 264 41.2 56.2 2.6
1955 2 522 42.6 54.7 2.7
1960 2 819 44.2 53.0 2.8
1965 3 171 45.3 51.8 2.9
1970 3 601 45.5 51.6 2.9
1975 4 118 45.8 51.2 3.0
1980 6 436 46.2 50.9 2.9
1985 6 364 45.1 52.0 2.9
1990 6 599 44.4 52.6 2.9
1995 6 525 43.2 53.9 2.8
2000 7 399 44.1 53.1 2.8
2005 8 360 44.6 52.6 2.8
2010 9 331 44.9 52.3 2.7

 

Waxaa usoo haray u qaybsanaha warfaafinta iyo waciyi galinta Puntland? (xukuumadda Gaas) 1653000 qof oo ka wayn 15 sano. Dadkaas marka laga reebo inta Arday iskool ah oo aan iyagu Dakhli u gaar ah lahayn waxaa ku jira 2,7 %, oo duqow hawl gab ah,  kuwaas oo tiro ahaan ah 44631 oo qof. Odayga waxaa u soo haray 1608369 oo qof. Kuwaas oo bixin kara (wax) waa hadii ay haystaane. Qiyaas kale oo ay Qaramada midoobay qaybta UNDP samaysay bay waxay ku sheegtay sidatan:

 Extreme poverty and lack of employment opportunities leave many young Somalis with few prospects for the future. Over 70% of Somalia’s population is under the age of thirty. However, the unemployment rate for youth in Somalia is 67% —one of the highest in the world

Taasi waxay ka dhigaysaa saaxiibkay dadka u soo haray 70%-44,9%= 25,1%, = tiro is le’eg 403701 oo dhalinyaro ah iyo 1204668 oo dad waa weyn ah. 67% oo dalinyarada ahi waa shaqo la’aan una dhiganta tiro ahaan 270480 oo qof. Waxaa u soo haray isugayn 1337889 oo qof.

Isla warbixibtaa qaramada midoobey waxay sheegeysaa in 43,2% oo kamida dadka soomaalia ay ku noolyihiin wax ka hooseeya 1$  maalintii oo micneheedu yahay in 43,2% oo kamida inta saaxiibkay u soo hartay ayba la tacaalayaan noloshooda oo aanay awoodin bixinta 1$ ka  uu rabo in uu canshuur ahaan uga qaado. 1$  oo uu ninkani sida siman Canshuur ahaan uga simay dadkaan duruufaha iyo xaaladaha kala duwan ku nool waxaa u soo haray 759920 oo qofood siinaysana lacag ah sanadkii 12 X 759920 = 9119040 = 9,1M hada waa Canshuure  ogow. Hala waydiiyo canshuurta maanta soo xaroota inta ay tahay? Iyo tan isaga labadatay inta ay tahay.

Tan guryaha ee tusaalihiisa kore, iyadu xisaabin umaba baahnee, waxay ubaahan tahay oo kaliya in la waydiiyo, siduu u fekerey markuu guryaha madaxa ka tirsaday. Guryah mid waxaa degen maal qabeenada Puntland, qaar kale waxaa ku jira agoon, kuwo waxaa ku nool hal qof oo iskaabulo ah mid kalena waxaa ku nool qoys labaatan ka kooban. Dadku isku duruuf ma ahane caqligaagii iyo aqoontaadii ma waxay ku tustay inaad min 1$ ka wada saftid umadda oo dhan? Oo hadda hadii saa la yeelo makaaga badnaanaysaa canshuurta hadda la qaado misse sida kor xisaabta ku qoran bay adiga inta guryihii kula bateen, lacagtuna kula badtay?

1680
Madaxweyne Gaas oo gacmaha taagaya xeebaha Eyl iyo Garacad

Misse tolow Canshuur afkiisaa bartaye wuxuu ula jeedaa tabarucaad umadoodhami si siman ha haysteen ama yay haysane, ugu tabarucaan acountiyada Gaas? Illeen mashaariic la fuliyey iyo mid ay soo wadaan iska daayee Mushaarkii baan sanadkii ay joogeen la bixine. Ma waxaa la rabaa lacag hadba diyaarad meel loogu dhoofo? Iyo mid xeebaha gacmaha lagu taago Iyo mid ammaan loogu tumo Gaas oo fanaaniin loogu soo kireeyo?

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author