Dhagayso waxgaradka degmada Bursaalax oo digniin culus ka soo saaray qalalaase ay wasaarada Arimaha ka wado

08 Sept 2020 (Puntlandes) Dr C/casiis C/laahi Xuseen (Gaacir) oo ka mid ah waxgaradka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa digniin culus ka soo saaray qalalaase ay degamada Bursaalax ka wado wasaarada Arimaha gudaha dawladda Puntland.

Dawladda Puntland ayaa waxay ku dhawaaqday inay gole deegaan u samaynayso markii u horaysay degmada Bursaalax, kadibna wasirrka Arimaha Gudaha dawldda Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa u soo diray degmadda Guddiga Dhismaha iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmada Bursaalax kaas oo in uddo ah ku sugan magaalada Bursaalx.

Gaacir ayaa sheegay in wasiir Dhabancad uu ka wado shacabka degmada Bursaalax kala qaybin iyo iska horkeen, taas oo sida uu sheegay halis ku ah amniga iyo wada noolaanshaha shacabka walaalaha ah ee gobolka Mudug.

Gaacir ayaa baaq uu ku sheegay in si deg deg ah looga hortago halista ka dhalan karta qalalaasaha uu Dhabancad ka wado degmada Bursaalax u diray golayaasha dawladda Puntland, Isimada gobolka Mudug oo uu u horeeyo Islaan Bashiir Islaan Cabdile iyo madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid C/laahi Deni.

Dhagayso baaqa Dr C/casiis C/laahi Xuseen (Gaacir)


Puntlandes.com

About The Author