Shirka Baydhabo ee 3 DG ee taagersan Madaxweyne Farmajo WQ Mohamud Uluso

Inkastoo ay adag tahay in la qiimeeyo ujeedada iyo aaminsanaanta ay aaminsan yihiin hadallada Madaxda Soomaaliyeed ay shirarka ka sheegaan madaama inta badan ay is khilaafsan yihiin hadalkooda iyo ficilkooda, khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.

 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo aan ka qayb gelin shirkii dhuusamareb-3 waxay yimaadeen Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxweyne Farmajo si aan rasmi aheyn, waxayna ku adkeysteen in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, iyo HirShabelle la martiqaado si ay markhaati uga noqdaan doodahooda la xiriira ka maqnaanshaha shirka dhusamareb-3 iyo mowqifkooda ku aadan ka wada hadalka qabsoomida doorashada Barlamaanka Federaalka 2020.

 

Madaxweyne Farmajo muddo ayey ku qaadatay inuu go’aan ka gaaro martiqaadkaas, waxaana shaki ku jirin in culeys lagu saaray inuu fuliyo arrintaas. Walow Agaasimaha warbaahinta Madaxtooyada ( Madaxtooyada JFS ma laha Agaasimaha Guud-Presidential Chief of Staff) uu Twitter ku sheegay in Madaxweyne Farmajo martiqaaday 5 Madaxweyne DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir shir dhici doona 10.09.2020, haddana odoroska wuxuu yahay in shir qabsoomi doonin sabti ama Axad ka kor, waayo Madaxweyne Farmajo ma qabo deg deg, welina ma magacaabin RW kala qayb gala shirka, kaasoo ah lagama maarmaan.

 

Waa la wada og yahay sababaha 2 Madaxweyne uga gaabsadeen ka qayb galka shirka dhusamareb-3 kuwaasoo la xariiray tallaabooyinkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo qaaday laga bilaabo xiritaankii shirkii dhusamareb-2 ilaa maalinta lagu ballamay furitaanka shirka dhusamareb-3 oo fashiliyay dhammaan heshiisyadii horey la isla gaaray. Maqnaanshaha lama xiriirin khilaaf soo dhex galay 5 DG.

 

3 Madaxweyne ee galmudug, Hirshabelle, koofur galbeed waxay go’aansadeen inay iska iloobaan xadgudubyada waaweyn ee Madaxweyne Farmajo sameeyay 22 maalmood gudahooda, halka Puntland iyo Jubbaland codsadeen in xadgudubyada iyo ballan baxyada dhacay ee la og yahay uu Madaxweyne Farmajo wax ka qabto inta aan la qaban dhusamareb-3.

 

Waxaa suuragal ah in arrimihii Puntland iyo Jubbaland ku kallifay ka maqnaanshaha dhusamareb-3 ay caqabad ku noqdaan horumarka wada hadalka doorashada 2020 ee Muqdisho ka furmi doona. Madaxweyne Farmajo diyaar uma ahan dhawrista Mas’uuliyadda Madaxweyne ee dastuurka kmg farayo iyo mabaadi’ida hoggaaminta Qaranka.

 

Khudbadaha Madaxweynayaasha DG HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ka jeediyeen shirka muddada gaaban socday waxay daaha ka qaadeen:

 

  1. Shirka wuxuu qayb ka ahaa ololaha Madaxweyne Farmajo ku kala qaybinayo Dowladda, shacabka, iyo beesha Caalamka si Soomaaliya ugu jirto qalalaase aan dhammaan, isla markaana aysan dalka ka dhicin doorasho xalaal ah waqtigeeda.
  2. Madaxweynayaasha Laftagareen, Qoorqoor, iyo Waare waxay dagaal cad ku qaadeen Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe. Dhusamareb-3 waxaa shir Guddoomiye ahaa Madaxweyne Farmajo, Puntland iyo Jubbaland wax eeda uma sheegan 3 DG. Waxay ka eed sheeganayeen Madaxweyne Farmajo ka Madaxweyne ahaan. Sidaa darted, ilaa hadda lama garan karo sababta 3 DG u weerareen 2 Madaxweyne DG ee saxiibada ahaayeen.
  3. Shirka waxaa la muujiyay kala qaybsanaanta DG oo kala noqday 3 iyo 2, taasoo ka soo horjeeda hadafkii gogosha dhuusamareb iyo heshiiskii dhusamareb-1.
  4. Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen wuxuu caddeeyay inuu ahaa Madaxweynihii ka dambeeyay isu imaanshaha 5 DG ee ka dhacay dhusamareb-1, xogtaasoo khilaafsan xog horey loo haystay, isla markaana tuhun cusub abuuri doonta.
  5. Shirka ma aheyn mid siyaasadeed ee wuxuu ahaa shir lagula ficiltamayo Madaxweyne Sicid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, laguna taagerayay madaxweyne Farmajo.
  6. Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen oo sheegtay inuu ka dambeeyay isu imaatinka DG wuxuu maanta horseed ka noqday kala tagga iyo kala aamin baxa DG, taaso khilaafsan dastuurka iyo maslaxadda ummadda soomaaliyeed. Madaxdu arrin siyaasadeed waa isku khilaafi karaan, haseyeeshe waxaa ceeb ah qabashada shir ujeedadiisu tahay weerar shakhsiyadeed Madax shaqo ka dhexeyso.
  7. Shirka wuxuu dhagax dhig u ahaa inaan lagu heshiin shirka Muqdisho, isla markaana la carqaladeeyo in dhusamareb lagu saxiixo Heshiiska kama dambeysta ah.
  8. Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in 3 DG sameysan doonaan isbahaysi xagga nabadgelyada. Waa dib u dhac xagga siyaasadda iyo nabadgelyada iyo wada shaqeynta DG dhexdooda iyo DF iyo FG. Dhinaca kale, Galmudug iyo Puntland waxay leeyihiin isbaheysi; Hirshabelle iyo Puntland waxay leeyihiin isbaheysi; Jubbaland iyo Puntland waxay leeyihiin isbaheysi.

 

Dr. Maxamed M Culusow

About The Author