Farmaajo oo u magacaabay Cabdinuur maxamed kuxigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada
10 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo 8dii febraayo 2017 kii.
Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa dadka aadka aadka ugu dhow Farmaajo, isagoo baraha bulsada ka difaaca kuna weerara siyaasiyiinta ka aragti duwan Farmaajo.
Puntlandes.com