Madaafiic lagu garaacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho
10 Sept 2020 (Puntlandes) Madaafiic dhawaaqooda laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu garaacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Madaafiicdaan oo loo malaynayo inay yihiin hoobiyaal ayaa abuuray jawi xasilooni darro iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyeelada ay geysteen.
Warar la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Shangaani, Waabari, Warta-nabadda , Xamar Jajab….
Hoobiyaashaan oo laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada ay ku sugan yihiin madaxda dowlad goboleedyada dalka iyadoo maantana qado sharaf loogu sameeyay madaxtooyada.
Ammaanka Muqdisho oo si aad ah loo adkeeyay ayaa waxaa shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada kadib markii qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey uu isku qarxiyay maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen.
Puntlandes.com