Farmaajo oo oggolaadey in Dowladda Federaalku shirka kawada qaybgasho
17 Sept 2020 (Puntlandes) Xalay ayaa waxaa dib u bilowdey shirkii Muqdisho ee doorashooyinka 2020/21, kaas oo hakad galay muddo 24 saacadood ah.
Shirkan oo bilowgiisi u dhexeeyey Madaxweynaha DFS, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay yeeshay weji ka duwan kii hore, kadib markii cadaadis badan la saarey Madaxweyne Farmaajo uu shirka ka dhigey mid aan u muuqan in uu yahay shir u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada, afarta qaybood ee Dowladda federaalku ka kooban tahay ka soo reeebay keligiis oo keliya.
Xalay waxaa shirka ku sii biirey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo kusimaha Raysalwasaaraha Mahadi Guuleed, waxaa weli shirka ka maqan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaq u leh in uu ka qaybgalo iyadoouu jira dalab Dowlad goboleedyadu ay jeediyeen oo ah in Guddoomkiyaha Golaha Aqalka Sare shirka lagu casumo.
Wararka ku dhaw shirka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ay isaga soo dhawaadeen sidii hore, gaar ahaan Dowlad gobleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo aragtiyo badan oo ay qabeen Dhuusamareeb3 wax ka bedalay, isla markaana ku aragti noqdey meelaha qaar Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa Dhuusamareeb 3, ma jirto heshiis laga gaarey qodobada ugu muhiimsan shirka ee kala ah.
- Inta goobood ee doorashadu ka dhacayso
- Cidda soo xuleysa ergooyinka wax dooranaya
- Tirada Ergooyinka wax dooranaya
- Nidaamka metalaada, Xisbiyo miyaa lagu gelayaa mise….
- Cidda maamuleysa Doorashada
- Metelaada gobolka Banaadir
Qodobadaan ayaa si weyn weli loogu kala qaybsan yahay, waxaana la og yahay in shirku aanu ahayn mid aqlabiyad la tixgeliyo ee uu yahay is qancin iyo tanaasul, waxaana la sugayaa tanaasulaadka la isu sameeyo maalmaha soo socda, in cidkasta ay wax ka tagto waxna loo oggolaado.
Puntlandes.com