Akhri magacyada: Labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DFS kana soo jeeda Gobolka Mudug oo dhaqaale ku bixiyey in warar been abuur ah iyo dacaayad laga faafiyo Xildhibaan Cabdi Bare
Warar ay heshay warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com ayaa sheegaya in qoraal been abuur ah iyo dacaayad aan sal lahayn oo la doonayey in wax loogu dhimo sharafta iyo sumcada Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil, oo ah runtii Xildhibaan ay shacabka Soomaliyeed guud ahaan u hayaan xushmad iyo qadarin, laga faafiyey.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Puntlandes ayaa sheegaya in ay qoraalkan faafiyeen laba Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka DFS kuwaas oo ka soo jeeda Gobolka Mudug ayna magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Cabdiladif Muuse Sanyare iyo XildhibaanYasiin Cabdi Seed. Labadan Xildhibaan ayaan ahayn sida uu ku caan baxay Xildhibaan Cabdi Bare kuwa u dooda ama difaaca danaha dadka ay u matalaan Baarlamaanka DFS ee Gobolka Mudug iyo Puntland.
Ilaa markii loo doortay kuraasta ay ku metalaan Gobolka Mudug iyo Puntland Xildhibaan Cabdiladif Muuse sanyare iyo XildhibaanYasiin Cabdi Seed lama arag iyagoo ka hadlaya danaha dadkii lahaa kuraasta ay ku fadhiyaan laakiin waxaa la arkay iyagoo difaacaya danaha Kooxda Dam Jadiid. Waxayna labadan Xildhinaan ay ka qayb qaateen rididii Raysul wasaarihii hore ee ay reer Mudug, Puntland iyo Soomaliwaynba u hayeen taagerada xad dhaafka ahayd.
Xildhibaan Cabdiladif Muuse sanyare iyo XildhibaanYasiin Cabdi Seed xagee ayey jireen markay Kooxda Dam Jadiid iyo Cabdiqaybdiid dheheen Gobolkii laga soo doortay ee Mudug anaguu nagu fiican yahay oo Puntland waan ka jaranay. Waxay ku taageersanaayeen ilaa hadana ku taageersan yihiin Cabdiqaybdiid iyo Kooxda Villada.
Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil waa Xildhibaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay qadarin iyo tixgelin dheerad ah oo uu ka mutaystay ay u hayso. Xaashaa lilaah iskuma dhererin karaan, mana gaari karaan Xildhibaan Cabdi Bare labadan Xildhibaan ee kala ah Cabdiladif Muuse sanyare iyo XildhibaanYasiin Cabdi Seed.
Shacabka Soomaliyeed waa yaqaana Xildhibaan Cabdi Bare umana soconayso dacaayada raqiiska ah ee ay Xildhibaan Cabdiladif Muuse sanyare iyo XildhibaanYasiin Cabdi Seed ku bixiyeen lacagta dhan 2500 doolar taasoo markeedii hore ku timid ”Hiildoolar”.
xafiiska Gaalkacyo Puntlandes.com