Sawiro: Wakiilka QM ee Somalia oo kulan la qaatay Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Garowe

Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaaliya Mr.Nicholas Key ayaa wuxuu soo booqday Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe maalintii shalay. Ugu horrayn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiya JBA faraceeda Garoowe Shiekh Mohamud H. Yusuf oo ku soo dhoweeyey danjiraha jaamacadda isla markaan u mahad celiyey booqashadiisa uu ku yimi Jaamacadda, iyo fursadda iyo waqtiga uu ku bixiyey inuu ardayda jaamacadda ka dhegeysto Aragtidooda ku aadan Arrimaha UN-ku ay wadaan soomaliya.

Intaa kadib wuxuu Danjiruhu dhegeystay warbixin kooban oo ku saabsan Jaamacadda Bariga Afrika iyo wax qabadkeeda dhinaca waxbarashada oo aad u balaaran Mudadadii 16 sano ah oo ay jidhey Warbixintaas oo uu soo jeediyeyey Hormuudka kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Faraca Garowe, Kaddibna waxaa hadalka qaatay W/kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Dr Maxamed Cali Faarax oo ka warbixiyey waxabarashada sare ee Puntland iyo marxaladihii ay soo martay. Kaddib wasiirku wuxuu cod-baahiyaha ku soo dhoweeyey Danjire Nicholas Key oo isagu khudbad dhinacyo badan taabaneysey ardeyda u soo jeediyeyey.

Danjiruhu wuxuu u mahad celiyeyey maamulka iyo ardeyda jaamacadda sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen JBA, iyadoo weliba maalin fasax ah ay ahayd.

Danjiruhu wuxuu khudbadiisa xooga ku saarey arrimaha xafiiskiisu ka qabto soomaaliya, oo ah arrimaha siyaasadda iyo nabadgeliyada somaliya.

Arrimaha nabadgeliya safiirku wuxuu sheegay in UN-ku ay ka taageeraan soomaliya sidii ciidan qaran loo heli lahaa, iyagoo ka taageeraya dhinacyada Taageerada uu u baahanyahay sidii ciidan qaran oo federal ah loo helilahaa.

Arrimaha siyaasadda, safiirku wuxuu ku nuuxnuuxsadey sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga 2016, oo Soomalya loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah inay dhacdo. Wuxuu kaloo uu ka dhawaajiyey sidii dastuurka loo turxaan bixinlahaa isla markaasna cod loogu qaadi lahaa (referendum). wuxuu sidoo kale xusey marka dowladda federalka hadda jirta waqtigeedu dhamaado sidii doorasho loo sameyn lahaa oo dadka soomaaliyeed ay u dooran lahaayeen Baarlamaan iyo madaxdii xukumi lahyd.

Intaas kadib waxaa ardeydu weydiiyeen sul’aalo dhawr ah oo Mr.Key si faahfaahsan uga jawaabey su,aalaha iyo Jawaabuhuna waxay socdeen Muddo saacad ku dhow ,hadaba anagoo soo koobayna Su,aalihii iyo Jawaabihii uu bixiyey qaybo ka mid ah waa kuwan :

Maxay UN-ku ay mudnaanta u siin waayeen Baahiyaha muhimka u ah ummadda somaliyeed, oo ay Mashaaricda wadanka ay ka fulinayaan ugu saleeyaan sida ay doonayaan UN-ka iyo Wadamada Deeqaha bixiya mudnaantooda?

waxaana Danjiruhu uga jawaabey : in UN-ku ay marwalba Tixgeliyaan Baahiyaha iyo mudnaanta soomalida.

Maxay tahay Sababta dhaqaale badan loogu bixiyo AMISON oo loo dhisiwaayey ciidan somaliyeed oo Amniga Wadanka hanan kara ?

Wuxuuna Mr.Key uga jawaabey in ay taageraan ilaa 11,000 oo ciidan federalka somlaiya ah, kana taageerann logistikada. Sidoo kale inay Taageero siiyaan ilaa 10,000 oo police Somali ah.

Waxaa la og yahay in Kharashashaadka ku baxa diyaaradaha iyo safarada iyo waxa lamida taasoo kabadan inta ku baxda fulinta qaybo badan oo kamid ah mashaariicda UNku ka waddo dalka side arintaa wax looga qaban karaa .

wuxuuna Mr.key kaga jawaabey in kharjkaasi jirayo, (overheads), laakiin ay UNku tahay ta ugu kharash yar. Wuxuu xusay danjiruhu in Unku 2013kii la talaalay 2.8 million oo caruur ah, iyo 24 million oo xoolo (livesock) ah. 124 iskuul ayaa dib loo dhisay, 400 oo macalina loo taba barey. Sidoo kale duufaaanadii ka dhacay Puntland ay ka qayb qaateen xoolihii dadku ku waayeen kuligoodna kharash baa ku baxay.

Sidee loo gaari karaa doorasho xor ah oo xalaal ah 2016, Taasoo wadankoo dhan ka dhacda iyadoo ay muuqato inay jiraan Caqbado waaweyn oo horistaagi kara kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiina xaga Amniga , Muxuuse yahay Qorshaha labaad ee UN-ka haddii doorasho dhici weydo ?

Wuxuuna kaga jawaabey waa in Guriga marka hore aasaaska laga dhisaa kadibna derbiga la taagaa. Taas oo ah in 2015 la diyaariyo dasturkii iyo arrimaha kale oo loobahan yahay markaas kadibna in saqafka la saaro guriga oo uu ula jeeday in doorasho dadku u dareeraan si ay u doortaan barlamaanka iyo madaxdii xukumi lahayd, wuxuuna tilmaamay waxkasta inay ku xiranyihiin Sanadkaan 2015 in la diyaariyo dhamaan Arrimaha Doorashadaas suurto gelin kara .

Waxay Ardeydu weydiiyeen danjiraha Barnaamijka UN Volunteers oo UN-ku ay ku taageeraan wadamo soomaliya deris la ah qaybo ka mid ah Maxaa looga qayb gelin waayeen Ardada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ka baxa ?.

Wuxuuna kaga jawaabey danjiruhu: sida aan u fahamsanahay UNV waa barnaamij qofka ka qeyb qaadanayaa uu dibada ugu baxayo Dalkiisa. Laakiin arrinta ku haboon marxaladiina ay tahay Internship ama kusii tababarasho inaad ka qaadataan xafiisyada UNka ee Puntland ku yaal. Taasna iney jirto waa hubinayaa. Sidaan ogahay mogadisho arrintaasi ma suurtagelin arrimo nabadgeliyo awgeed.

6- Maxay UN-ku u taageeri waayeen Waxbarashada Heer jaamacadeed gaarsiisan ee Soomaalya?

Wuxuuna kaga jawaabey Arrimaha wax barashada UN-ka waxaa u qaabilsan UNICEF Sida hada uu yahay Qurshuhu waxaa taageero la siiyaa Barnaamijyo badan oo waxbarashada Asaasiga ah sida : Barnaamijka (go to School ) kaasoo Soomaaliya laga hirgelinayo markii ugu horreysey muddo 24 sano ah , waxaa la furay Iskuulo badan ,waxaa la shaqaalaysiiyey Macalimiin badan ,waxaana sanadkii hore Dugsiyada loo diiwaan geliyey 58,000 oo arday cusub ah waxaana la qorsheeyey in sanadka 2017 loo diiwaan geliyo waxbarashada Asaasiga ah ilaa 100,000 oo Carruur ah , Taasina waa mudnaanta Dawladda federaalka Anaguna waxaan ka taageernaa xaga Farsamada iyo dhaqaalaha , dhinaca heer jaamacadeed waxaa jira ilaa Arday dhawr boqol gaaraya oo aan Jaamacada qaarkood ka taageerno gaar ahaan ardada Qaanuunka barata .

Su,aaluhu intaas way ka badnaayeen dhab ahaana wuxuu ahaa barnaamij aad u xiiso badan wuxuuna Mr.Key sheegay inay Tahay markii ugu horeysey oo mudadii uu xilka Soomaaliyaka ka hayey uu la kulmo Arday jaamacadeed aadna ugu faraxsan yahay .

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????
Xafiiska warfaafinta ee Jaamacadda Bariga Africa Garowe.

About The Author