Sawiro: Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo la kulmay mamulka iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale ”Qaaddiid” ayaa kulan la qaatay Mamulka iyo ardyada Jaamacadda Muqdisho xarunteeda magalada Bosaso, kulankaasi ayaa ahaa mid lagu xoojinayay wacyi galinta la-dagalanka Qaadka.
Mamulaha Jaamaacadda Muqdisho Cabdilaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Olalaha la-dagalanka Qaadka oo hadda si weyn u gaaray Deegaanadda Puntland, waxa kale uu balan qaaday inay kaalin muuqata wacyi galintan ay ka qaadan doonaan.
Faarax Bashiir Bakayle oo ka mid ah ardaydda Jaamacadda Muqdisho ayaa goobta kaga dhawaaqay inay arday ahaan qaadka dagaal la gali doonaan, wuxuna goobta kusoo bandhigay Qaad oo uu sheegay inay cadayn u tahay siday ula dagaalamayaan.
”Qaadkan waxan halkan ugu soo bandhigayaa inaan idin sheego inaan aasayno Qaadka, oo aan illaahay ka baryayno inuu ka suuliyo guud ahaan dalkeena, waxan kalloo taageersan nahay barnaamijkan uu wado Abuuker Cawaale Qaaddiid”.
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale Qaaddiid oo dhammaadkii kulanka khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la-dagalanka qaadka laga wada qayb qaato waxa kale uu jeediyay mamulka Jaamacadda inay fursado waxbarasho oo bilaash ah u raadiyaan hooyooyinka doonaya inay ka baxaan Qaadka carruurtooda.
Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Muqdisho oo su’aalo ka waydiiyay Qaaddiid barnaamijkan la-dagalanka Qaadka, iyagoona dhankooda markii danbe balan qaaday inay awoodooda ku muujin doonana joojinta Qaadka Soomaaliya.
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com