Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo madaxtooyadda ku qaabilay Wasiirka waxbarashada DFS

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-3-2015 xafiiskiisa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaaran oo ay hogaaminaysay Wasiirka waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Khadra Bashiir Cali.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas xafiiskiisa kula qaatay Wasiirka waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Khadra Bashiir iyo wefdiga la socday ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay kullankaasi wasiirka waxbarashada iyo tacaliinta sare  dawladda Puntland Cali Xaaji Warsame  iyo kuxigeenkiisa,  wasiiro iyo agaasimayaal katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Wasiirka Waxbarsahada DF ee Soomaaliya ayaa soo gaadhay maalin ka hor, kadib markii wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ku casuntay shirka dib u eegista waxbarashada Puntland ee ka furmi doona magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland, shirkaas oo markuu soo gebogeboobana laga wada hadli doono qaabka ay uwada shaqayn doonaanWasaarada waxbarsahada iyo tacliinta sare ee Dawadda Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada DF ee Soomaaliya.

Kulankani oo ahaa mid muhiimad gaara u leh bahda waxbarasha Puntland iyo Soomaaliya ayaa intiii uu socday  waxaa kamid ahaa qodobada laga wadahadlay tayeynta iyo  kor uqaadista waxbarashada Soomaaliya,  iyo sidoo kale  in la sameeyo xog isdhaafsi iyo booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka wada shaqeyneed ee wasaaradaha waxbarashada Dawladda Puntland iyo tan wasaarada waxbarasha ee DF Soomaaliya.

Waxaa sidookale laga wadahadlay sidii ardayda Soomaaliyeed loogu sahli lahaa sidii ay Waxbarasho tayo leh u heli lahaayeen, welibana si simaa loogu cadaalad fali lahaa, iyo  in isbedel mug weyn leh lagu sameeyo xiriirka wada shaqeyneed ee udhaxeeya Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo tan DF ee Soomaaliya.

Dhinaca kale gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa kullanka ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka codsaday in la siiyo dhul ay Jaamacada Ummadu  ka dhisato gudaha Puntland, arintaasi oo madaxweynaha Dawladda Puntland  siweyn u soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyntii Wefdigaasi ka socday wasaarada waxbarashada ee DF Soomaaliya ee ay hogaaminaysay Wasiir Khadra  uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, tilmaamayna in ay laga maarmaan tahay in la dhaqan geliyo heshiisyadii dhinaca waxbarsahada ee ay horey uwada galeen Dawladda Puntland iyo Soomaaliya.

IMG_0375 IMG_0378

 

Puntlandes.com

About The Author