Sawiro: Madaxweyne Gaas oo xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka DF Somalia Mahad Cabdalla
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-3-2015 xafiiskiisa xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho maanta ku yimi Puntland.
Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Xildhibaano , Waxgarad iyo qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland ayaa si heersare ah Gudoomiyaha iyo wefdigiisa ugu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.
Soo dhaweyn kadibna waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wefdiga la socda ee xildhibaanada ah ayaa Puntland u yimi sidii ay kulamo ula qaadan lahaayen Baaralamaanka Puntland.
Puntlandes.com