Golaha Adeega Garsoorka: “Digreetadii Madaxweynuhu waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka”
Waxaa soo baxaya muran u dhexeeya Golaha Adega Garsoorka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Shiikh, kadib markii Madaxweynuhu wareegto ku kala direy Golaha isaga oo ku tilmaamey in shacabku ka cabanayaan oo tirsanayaan caddaalad darro.
Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah isugu yimid shir aan caadi ahayn, iyaga oo ka jawaabaya Digreetada Madaxweynaha ka soo baxdey waxaana ka soo qaybgalay shirka 8 kamid ah 9 xubnood oo uu guddigu ka kooban yahay kuwaas oo kala ahaa:
- Dr Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf Guddoomiye
- Dr Maxamed Maxamuud Maxamed Xubin
- Dr Maxamuud Axmed Faarax Xubin
- Dr Sh. Cumara Maxamed Xubin
- Avv Cabdullaahi Adan Isaaq Xubin
- Avv Cabdiraxmaan Xuseen Samanter Xubin
- Avv Cabdullaahi Ibraahim Nuur Xubin
- Avv Luul Maxamed Taabit Xubin
Golaha ayaa ka doodayey dikreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha lanbarkeeduna ahaa 8 ku taatriikheysneyd 11/3/2015, taas oo Madaxweynuhu ku kala direy Golaha Adeega Garsoorka ee hadda jira.
Guddoomiyaha Golaha Adeega Garsoorka Dr Caydiid Ilka-xanaf ayaa shirka furey waxaana uu sheegey in miiska ay saaran tahay Digreeto uu qorey Madaxweynuhu taas oo u baahan in goluhu ka hadlo.
Sida lagu sheegey war-saxaafadeed ka soo baxay shirkii maanta (Sabti) golaha adeega garsoorku ayaa dood dheer ka yeeshey Digreetada Madaxweynaha waxaana ay go’aamiyeen.
- In Golaha Adeega Garsoorku uu ka mid yahay 3da tiir ee Qaranku ka kooban yahay eeg qod 105 iyo 106 ee dastuurka Qaranka
- In Digreetada Madaxweynuhu aaney waafaqsaneyn Dastuurka Jamhuuriyadda.
- In aanu jirin Dastuur ama sharci Madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro Golaha Adeega Garsoorka ama gole kale oo qaran.
- In sida dastuurka Qaranku farayo ay saxtahay in Gole Adeeg Garsoor oo cusub la sameeyo hasayeeshee:
A. In Golaha Adeega garsoorka ee hadda jiraa sii wadayo xilka Adeega Garsoorka ilaa laga dhisaayo Gole Cusub.
B. Inaan Qaranimmada iyo Dowladnimadu oggoleyn in haddii nidaam la dhiso la baneeyo meesha ilaa cid kale loo magacaabao sida golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.
5. In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlaayo sida Dastuurku dhigayo Madaxweynuhu uu helo oggolaanshaha Golaha Adeega Garsoorka xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku-xgeenadiisa.
6. Haddii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo tallaabo garsoorka la xiriirta oo aan lagala tashan Golaha Adeega Garsoorka waa mid ka baxsan sharciga xitaa haddii goluhu yahay mid ku-meelgaar ah.
Bilowgii khilaafka
Khilaafka Golaha Garsoorka iyo Madaxweynaha ayaa ka soo bilowdey sanadkii hore 2014, markii uu Wasiirka Ahaa Faarax Shikh Cabdulqaadir oo isku dayey in uu wax ka beddelo, sidoo kale waxa uu salka ku hayey khilaafkii Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha dhex-galay oo la sheegaayo in Golaha sare ee garsoorku garab la safteen. Sidoo kale Khilaafkan ayaa daba socda magaacibistii Xeer-ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenadiisa oo Golaha garsoorku tirsanayaan in aan waxba laga weydiin.
Madaxweynaha ayaa Digreetadiisa u cuskadey qodobo ka mid ah dasuurka sida 4, 87, 147 iyo cabasho badan oo ka soo yeereysa shacabka oo tirsanaya caddalaad darro.
Lifaaqyada hoose ka akhri War kii ka soo abxay shirkii golaha Adeega garsoorka
Warkii ka soo abxay shirkii golaha Adeega garsoorka1 qaybta labaadna Warkii ka soo abxay shirkii golaha Adeega garsoorka2
Puntlandes.com