Xil. Xoosh “Waa sharci daro Digreetada uu Madaxweynaha ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka”

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Guddiga Arimaha Dastuurka ayaa sharci daro ku tilmaamay digreetadii uu Madaxweynaha ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka, isagoo xusay inay aheyd in mar hore la kala daro, balse laga caga-jiiday.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in Dastuurka KMG ay ku qorneyd in sodon cisho gudahood lagu kala diro marka la soo dhiso Golihii Wasiiradda ee ugu horeeyay Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Saacid, balse aan la sameyn.

“Waa sharci darro kala dirista Golaha Wasiirada, Madaxweynaha awoodaas meesha uu ka keenayo lama yaqaan, dabcan Guddigan adeegga garsoorka wuxuu ahaa in mar hore la kala diro, sida Dastuurka ku qoran, in sodon berri markii Golihii Wasiiradda u horeeyay Ra’iisul Wasaare Saacid la dhisay in la kala diro ayay aheyd, lama sameyn, sababaha loo saameyn waayay iyo in hadda lagu soo baraarugo ujeedda gaar ayaa laga lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Avv. Xoosh ayaa sheegay inay aheyd in Golaha Wasiiradda ay soo jeediiyaan, maadaama ay awoodda fulinta leeyihiin, balse Madaxweynaha uu gacan la galayo, isla markaana digreetadan aanay ka muuqan in Gole wasiiro la soo marsiiyo.

“Waxay sharci darro ku tahay in la kala diro waa arrin Fulin ah, dastuurka qodobka 97 farqadiisa 1aad waxay leedahay awooda fulinta ee dalka waxay gacanta ugu jirtaa Golaha Wasiiradda, waxaana ka mid ah Ra’iisul Wasaaraga, marka digreetadan lama soo marsiin, sidaas ayay sharci darro ku tahay.

Waxaa uu sheegay in Golahan markii hore ay ahaayeen sharci daro, balse Madaxweynuhuna uu haatan si sharci darro ku kala diray, isagoo xusay in waqtiga hada lagu soo baraarugay kala dirideedana ay shaki badan keeneyso sida uu hadalka u dhigay.

“Waqtigan hadda lagu soo baraarugay in Golaha Adeega Garsoorka la kala diray iyo xilliga lagu soo aadiyay shaki ayay keeneysaa, saddex sano ku dhowaad bey aheyd in wax laga bedelo, sababaha looga caga-jiidayayna waa naqaanaa iyo waxa haatan loogu deg degayo”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca kale Shir ay isugu yimaadeen Golaha Adeegga Garsoorka ee la kala diray ayaa waxay kaga soo horjeesteen digreetadii uu Madaxweynaha ku kala diray, iyagoo sheegay in digreetada Madaxweynaha aanay waafaqsaneyn dastuurka, sidaas darteedna uu Golahan uu xilka sii heynayo ilaa laga dhisayo gole cusub.

Puntlandes.com

About The Author