Kenya oo sheegtay in ay wadahadal la furayso Kooxda Al Shabaab

1828
Guddoomiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale

 

Guddoomiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay wada hadal ay la furaan ururka Al-shbabaab.
Xildhibaan Barre oo dadweyne farabadan kula hadlayey goob fagaare ah, wuxuu sheegay in haddii ay suurogal tahay ay Al-shabaab kala hadli doonaan inay joojiso weerarada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu degto.
“bannaanka naga mara, haddaad rabtiin duqey iyo culimaa’uddiin iyo siyaasiyiin ayaan idiin soo direynaa, waan idiin imaaneynaa noo sheega meshaad joogtiin” Xildhibaan Barre ayaa sidaas yiri, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata raaciyey ” anaga hana soo fara gelinina, Gaarisa noo badbaadiya, Wajeer noo badbaadiya, Mandheera noo badbaadiya, Islii noo badbaadiya”
Hadalka Guddoomiyaha Aqlabiyadda Ducaale ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii Al-shabaab jidka u gashay kolonyo uu la socdey guddoomiyaha degmada Mandhera.
Weerarkaas gaadmada ahaa waxaa ku dhintey ugu yaraan afar qof in ku dhow toban kalena way ku dhaawacmeen inkastoo guddoomiyaha degmada Mandhera aanay wax dhibaato ahi kasoo gaarin.

Puntlandes.com

About The Author