Dowlada Britain oo safiir cusub u soo magacawday dalka Soomaaliya
Dowlada UK ayaa u soo magacawday safiir cusub dalka Soomaaliya iyadoo safiirkana ay tahay haweeney lagu magacaabo Harriet Mathews.
Safiirkan cusub ayaa waxa ay bedelaysaa danjirihii hore Mr Neil Wigan oo sida warka ka soo baxay dowladda Ingiriiska loo bedeli doono shaqo diblomaasi oo kale.
Haweeneydan Mathews ayaa si rasmi ah shaqadeeda ula wareegi doonta bisha Juunyo ee soo socota.
Marwo Mathews waxaa ay wasaarada arrimaha dibadda ku soo biirtay 1997-dii, iyadoo hadda madax ka aheyd waaxda la dagaalanka cudurka Ebola.Ms Mathews oo ah qof aqoon duruqsan u leh arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay sadex goobood oo Qaaradda Afrika kamid ah sida iyadoo madax ka noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda UK.
Danjiraha cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya Ms Mathews ayaa sidoo kale waxaa aya ka soo shaqeysay xafiiska arrimaha dibadda ee UK wadamada ay ka mid yihiin Brazil,Israel iyo Afghanistan.
Puntlandes.com