Deg Deg: Guddoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Puntland, Oo Bossaso gaaray, Iyo Muran ka taagan Makiinadii Lacagta Faalsada sameynsay

Guddoomiyaha Ku Xigeenka Barlamaanka Puntland, Abdixamiid Sheekh Abdisalaan, Ayaa soo gaaray Magaalada Bossaso Xili Muran weyn uu ka taagan yahay sameynta Lacagaha Faalsada.

Guddoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Puntland, Abdixamiid, Iyo Maalgaliyaayasha Makiinada Lacagta Faalsada Ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex-galay Muran Ku saabsan Daabacaada Lacagaha Faalsada Iyo Cadadka la Rabo.

Kooxda Manaxayaasha ee soo iibiyay Makiinadan lagu doonayo in lagu Aafeeyo Dhaqaalaha Puntland Iyo Nolosha Shacabka Ayaa soo jeediyay Codsi ah in la Daabaco Lacag dhan 30-Billion oo Shilin Bisha April oo kaliya ah, Taasoo keena doonta Sicir Barar aan laga soo Kabsan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas Iyo Guddoomiye Abdixamiid. Ayaa soo jeediyay in la Daabaco 20-Billion oo Shilin Bisha April. Khilaafka soo kala dhex-galay Kooxaha doonaya iney Khatar Ku Abuuraan Dhaqaalaha Puntland ayaa Horseedi Kara Khilaaf sii Jiitama.

Docda kale Dhaqaalayahanada Puntlabd Ayaa ka digay sameynta Lacagaha Faalsada Xili Dhaqaalaha Puntland uu liito isla-markaana aan laga fursan doonin Bur-bur Dhaqaale Iyo Sicir barar saameeya Shacabka Puntland. Isku soo xoori Khilaafka soo kala dhex-galay Ganacsatada Manaxayaasha ah ee doonaya iney Warqadaha A4 Ku badashaan Dollarka Shacabka Puntland Iyo Masuuliyiinta Dowlada ee Daneystayaasha Ayaa si weyn looga hadal haya Magaalada Bossaso.

Puntlandes.com

About The Author