Biri-mageydadii reer Puntland oo cadawgu ku cunayo Xamar iyo Maamulkii Puntland oo khuuro dheer ku jira
Mudo ka yar 40 beri ayaa mar labaad xasuuq iyo dilal qorsheysan lagu waray, oo hilbahoodii lagu qashay indheergaradkii iyo miidii shacbiga reer Puntland magaalada Muqdisho hawlo shaqo u joogay.
Waxaa maalin cad qaraxyo la soo maleegay iyo dhiig bax, wax u gar’gaara waayey ku leday maqaawiir ay wadaninimadooda, qaran-jeceylkoodu iyo muxubo soomalinimo ku khasabtay in aanay Caasimadii iyo dawaladnimadii somaaliyeed uga cararin hororka iyo waraabaha jaqaya.
Waxaase nasiib daro ah in iyadoo isbadalo khatar ahi dalkii ka socdaan, oo xag amaan leh, xag siyaasadeed leh ( weliba si cad loogu mashquulsan yahay mudo kordhsi iyo khiyaamo qaran,boob handidii dalka iyo dabar goyn qorsheysan ee lala daba taagan yahay shacbiga reer Puntland guud ahaan, iyo weliba xubnaha fara ku tiriska ah ee Puntland uga haray maamulka faderalka ah ee Xamar ku sugan, iyo xitaa shacbiga caadiga ah ee hawlaha safar halkaa ku maraya, ayaa maamulkii dawlada Puntland Khuuro dheer galay, iska daa in ay u damqato shacbigeeda Xamar lagu qalanyee, xitaa waxay gabtay in ay shacbiga iyo eheladii shuhadaadaa u tacsiyeyso, isla markaana murugada la qaybsato, taa badelkeeda waxay aad xooga u saartay boqashooyinka iyo wadahadalada muuqada iyo ku qarsoon ee madhaleyska ah ee ay kula jirto maamulka cadaawada reer puntland riman ee Xasan Sheikh
Geeriyey xishoodlaay, waxaa shalay Hotel Central iyo meel kaleba lagu qashay oo aan ilaa hadda cidna isweydiin, baaritaan ku sameyn birimageydo reer Puntland oo isgu jiray Ismo, aqoonyahano, siyaasiyeen, ganacsato iyo weliba dhalinyaro arday ah.(Geeridii Saado Ali buu wadnuhu weli gawadaa noo hayaa)
Maantana waxay ma kastu warinayaan geerida Yusuf Ismaciil Bari-Bari oo ahaa halyey isaga iyo abihii iyo awowgiiba halgan xalaal u soo galeen qaranimada iyo sharafta ummada soomaliyeed.
Allaah ha u naxariistee Yusuf baa ahaa muwaadin mar hore naftiisa, maankiisa iyo maalkiisa u huray mudo dheer siduu u adeega lahaa shacbiga soomaliyeed, isagoo u adkeystay mudo dheer cadawaadii , naceybkii iyo rifidii xileed iyo midii siyaasadeed ee ku saleysnaa naceybka beeleed iyo guud ahaan midka reer Puntland ee uu ka soo jeedo, taas oo ay ku hayeen maamuladii kala danbeyey ee Sheekh Shariif iyo midka hadda ee Xassan Sheekh, iyagoo gaaray in ka rifaan dhamaan xilalkii uu u hayey qaranka soomaliyeed ee u soo halgamaayey mudo ka badan 45 sano, iyagoo markii ugu danbeyey xitaa u deyn waayey xilikii yaraa ee ahaa wakiilka xuquuqul iinsaanka somaliya u fadhiya Geneva,
lakiin soomalinimo, adkeysi iyo inuu raadiyo dhismaha qaranimo somaliyeed oo mar dambe in la helo, ayuu ka doortay inuu la xisaabtamo wax magartada.
Ogow ma ah Aun Bari-Bari kaligiis, lakiin waxuu maamulka Xamar olole iyo iyo cadaawad xambaarsan isir naceyb ku qaaday dhamaan Safiiradii, diblumaasiyintii iyo shaqaalihii asalkoodu ka soo jeeday Puntland ee ka shaqeynayey safaaradaha dawlada faderalka Somaliyeed ku leedahay caalamka, waana laga sifeeyey maanta,
lakiin waxaan ayaan daro ah iyadoo wax badan warbaahinta kala gedisan ee Puntland ay si public ah uga digtay faquuqa iyo isir -sifeynta ka socota wasaarada Arimaha Dibada, hadana nasiib daro maamuladii kala dambeyey ee Puntland soo maraa ay ku dhici waayeey in ay difacaan xuquuqada mudiniinta reer Puntland iyo saamiga dastuuriga ah ee shacbiga reer Puntland ku leyihiin dawalada dhexe ee Fadaraalka ah, taas oo gaartay in markii la waayey waxa damiir leh oo ka dhiidhiya, in wax magartada iyo cadawga Puntland Televishinada si live ah ula soo fariistaan, kagana fanaan ( Puntland geed baanu ku xirnay iyo Puntland waxba kama ah Xamar iyo Faderaalkaba).Horaa loo yiri ( Doqontu waxay casarkii ku argto, ayey Cishihii kugu ceebeysaa)
Puntland maanta xaalkeedda waxaa uu maraysaa: Barako maleh cidna uma maqna, ceela uma qodna”
waxaa la gaaray wakhtigii shacbiga Puntland si xaqiiqa ah ay xisaabtami lahaayen, iyagoo isweydiinaya waxay qaranimada iyo somalinimada ay naf iyo maalba ku waayeen, waxa ay ka faa’iidaan ?
Source:Puntlandi
Daabacaadii:Puntlandes.com