Deg Deg: Maydka Danjire Yusuf Bari-Bari oo beri Garowe lagu aasi doono

1891

Meydka AHN- Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo shalay lagu dilay Hotel Maka Al Mukarama ahaana danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa beri la keeni doonaa magaalada Garowe si aas qaran loogu sameeyo.

Waxaa iminka madaxtooyada Villa Puntland ka socota qaban qaabo ku aaddan aaska sida ay Puntlandes u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay waxaana aaska loo saaray guddi wasiirro ah.

AUN Danjire Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sidoo kale xubin kasoo ahaa ururkii SSDF isagoo mar loo magacaabey af-hayeenka ururka.

Puntlandes.com

About The Author