Akhriso: Warqad Furan oo Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland u soo dirtay Dr Gaas markii la doortay

Waxay Puntlandes idiin soo Gudbinaysaa warqadii furayd ee Anisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin ay u soo dirtay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas markii la doortay. warqadan ayuu madaxweyne Gaas aad ula dhacay isagoo u magacaabay Anisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin Wasiirka haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland. Waxyaalaha aadka u xiisaha badan oo soo jiitauy Dr Gaas oo Anisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin ay u soo jeedisay waxaa ka mid ah in uu Gobolada Mudug iyo Bari Siyaasad ahaan heshiisiiyo, in uu soo dhaweeyo maamilka Prof Galayr ee Khaatumo, Gobolka Bari Dugsiyo sare kama jiraane in uu u sameeyo, in uu la shaqeeyo dawlada Soomaaliya si kasto oo ay ahaataba, in uu Somaliland soo dhaweeyo iyo in uu Jubaland garab galo oo wax la qabto iyo waxyaalo farabadan oo aan la soo koobi karin. Warqadaan oo uu la dhacay Dr Gaas ayaa waxay sababtay in uu ka codsado Anisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin in ay ka mid noqoto Golihiisa Wasiirad iyadoo ka awqbashay noqotayna Wasiirka haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland.
Waxaa iswaydiin mudan warqadaha ay Wasiirada kale u soo direen Dr Gaas oo uu ku soo xushay markuu ku soo darayey Golihiisa Wasiirada.
Warqad_furan

 Dhambaal xambaarsan talo soo jeedin oo si toos ah ugu sacota Mudane Abdiweli Gaas.

gaas-300x200A
Dhanbaal Furan oo Ku Socota Mudane Abdiweli Gaas, Hambalyo! Waan hubaa in dabaal dag iyo damaashaad lagu jiro, lalana ciirayo farxad iyo rayn rayn, hase yeeshee waa hubaal in gobolka Puntland howl badani u baahan tahay in laga agaasimo sida ugu dhaqsiyaha badan ay tahay howl wayn oo u baahan in laga fiirsado. Inkastoo arimaha isku xir xiran yahiin, hadana sadex waxyaabood ayaa ugu wayn arimaha gobolkan u baahan yahay: -Hagaajinta siyaasada iyo hogaanka hufan: Sidaad la socotaba, hogaamiye iyo maamule waa kala labo.
In hogaamiyaha dadka la fariistaa, dhagaystaa, una dhago nuglaado baahida dadka, waa qasab. Waa muhiim inuusan dhagaysan kaliyee, uu waliba wax ka qabto. Maaha hogaamiyaha in isaga kaligii howsha qabto taasoo keenaysa in qofkii isku buuqo balse u carbiyo maamulayaal, iyo dadka macluumaadka dhibaatooyinka jira soo urururiya, gudi gorfeeya oo xalinta arimaha bulshada qaabilsan la aas aaso iyo dhalinyaro ka qayb qaadata howl galinta arimaha xalka lala raadinayo. Hogaamiyaha waa mid xaqa ku taagan, qof kitaab lagu dhaariyay cayaar maaha, maanta waxa jira waxaa ka wayna waxa aakhira yaala, in si xaqa, sharciyaysan, qabiilnimo ka fog, islamarkaasna ku dhisan sharciga diinta iyo sunaha nabiga (asw) ayaan rajaynayaa inaad wax ku maamusho. Hogaamiyaha waa mid qaladkiisa qaata, talaabooyinka uu qaado sida xaqa ku jira difaaci kara markii la waydiiyo su’aal, ee uusan dadka xirxirin oo maxaa sidaa loo yiri oranin, taa waa maamul aad looga cowday wadanka, waana mid aanu u baahanahay inaan ka tanaasulo.
Hogaamiye waa aabe oo kale, caruurtiisa hagaya, falalkooda saxaya, oona qaadaa dhiga waxay soo hordhigaan, islamarkaasna naxariis, naruuro iyo nolol wanaagsan u hura. In hogaamiyaha ka fakaro, arimaha sugaya, lana tashado dad wax garada oo ka fog qabiilaysi iyo kala qaybin islamarkaasna higsada, arimaha guud ee dadka iyo dalka ka wada dhexeeya. Siyaasad ahaan Bari iyo Mudug waa in la heshiisiiyo, la xaliyo dhibaatooyinkii soo wajahay dadka xiligii dheeraa ee Faroole haystay, iyo kala fogaanshahii ka dhex dhacay dadka ama xag dhaqaale, ama xag afkaareed oo maamul dowladeedka gobolka ka jira awgeed. Waxaan rajaynayaa inaad ka shaqayso sidii dadka wax fahmaya, ee hogaamin kara gobolka iyo dadka aad ku martiqaado si maamul hufan loo sameeyo, islamarkaasna laga qalin jabiyo sheekadii ahayd nin walba qaybtuu dago ha dhisto.
In lasoo dhoweeyo walaalaha reer Khaatumo, lana kaalmeeyo maatidii la weerary ayaan hore ee dib loo soo nooleeyo xiriirkii walaalnimo, lala shaqeeyo dowlada Soomaliyeed falankeedana la galo sidii looga gudbi lahaa kala faquuqa iyo dhibka kala gaaray dadka iyo gobolada Soomaliyeed eed haatan moodo in qolo qolaysi ay ka baxi la’yahiin. Intaa waxaa dheer inaad soo dhowayn doonto reer Somaliland iyagana si dareenka fogaanshe ee galay ay u naaqusiyaan islamarkaasna jid wada shaqayn iyo is faham buuxa dib loo furo. Lala macaamiloodo walaalaheen Jubaland iyagana, lana garab istaago si ay gobolka u dhisi lahaayeen, uga qayb qaadan lahaayeen dib u dejinta dadka xeryaha qaxootiga iyo horumarinta dal ahaan, dhismo ahaan iyo siyaasad ahaanba. Dumarka in xaga siyaasada aad ka qayb galin doonto aad baan ugu hanwaynahay, ooy ka qayb qaataan dib u aas aaska midaynta ummada, horumarinta, caafimaadka, iyo agaasinka arimaha ku aadan bulshada siiba dumarka iyo caruurta iyo inta tabaalaysane u baahan dib u dajinta kasoo wajahay abaaraha iyo duufaanahii kol dhowayd dad iyo duuno badan galaaftay. -Waxbarashada:
Sidaad la socoto maamul goboleed iyo mid dowladeedba hogaamiyayaasha caruurtooda wadanka way ka wateen, si ay dibada wax ugu bartaan. Taa waxaa tusaale ay u tahay dacdarada xaga tacliimeed ee wadanka soo wajahday. Caruurta K-12 ma haystaan iskuulaad, gobolkan gaar ahaan Puntland, siiba Bari, dugsiya sare kama jiraan, taasoo kalifta in caruurta ay u hayaamaan magaalooyin kale oo ay ka sii wataan waxbarashadii dugsiga sare. Maadaama dad badan oo dibada ka tagay ay macadyo furteena tacliintii lacagi noqotay, kii awoodana uun ilmahiisa iskuulka ka baxsan karo.
Hadaba, waa in la kobciyo ilmaha aqoontooda la dhiso iskuulaad deeqa caruurta jira gobolka, buug loo qoondeeyo aqligooda iyo garaadkooda kor u qaadaysa oo dhinac walba ka dheelitaran xaga culuunta, suugaanta, ama xisaabta ha noqotee. Waad fahmaysaa muhiimada ay leedahay heerka waxbarasho ee jaamacadeeda. Jaamacadaha gobolka tayo saasa maleh badanaana, wadaado ayay gacanta ugu jiraan.
Inkastoon wadaadnimadooda dhib hada keenayn, habkay wax u maamulayaan ay aad u qalafsan tahay. Dadka ay isticmaalaan oo ay ku xiran yahiin xirfadaha ardayda la barayo inay agaasimaan maaha dad qibrad u leh ama u carbisan howsha, waa huuhaadii iyo qabiilaysigii, taana jaamacad ku dhaqmaysa meel ma gaadho. Books for Africa hay’ad la yiraahdo ayaa buugaag usoo dirta, buugtaasoo ku qoran Ingriis. In arinkan laga tanaasulo, oo siiba caruurta k-12 afka Soomaaliga wax lagu baro si loo badbaadiyo afkeena islamarkaasna ilmaheena aanu u barno taariikhda dadkeena iyo dalka.
In la marti qaado qoraayasha Soomaliyeed, la horumariyo xaga farshaxanka, iyo riwaayadaha, suugaantana dib loo soo nooleeyo. Ardayda jaamacadaha dumar ayay u badan yahiin balse maleh dumar macalimiina mana aha in dumar macalimiin la’aana ay jirto taana waxaan rajaynaynaa inay is badali doonto. Hal maktab ayaa ka furan Garoowe, midna waxaa hada laga dhisayaa Gaalkacyo. Ogow, Boosaaso, Baargaal, Qardho, iyo meelo badan inay maktabado u baahan yahiin. Ilaa iyo baadiyaha in maktabado iyo iskuulaad loo sameeyo waa dow. Waagii Maxamed Siyaad Barre (AUN) uu dadka usoo saaray Ololaha Afka Soomaliga, waxay keentay in qof baadiye jooga xataa uu afka akhrin karo, uuna qori karo. Taa ayaa aad maanta muhiim u ah waayo waad la socotaa in afkeena aan dib loo balbalaarin ilaa iyo kadib markii lagu dhawaaqay 1972-73dii. -Dhaqaalaha: Dhaqaalaha iyo maaliyada soo gasha gobolka, waa wax aad u tiro badan balse agaasinkeeda, iyo kala hagideeda ayaa u baahan la helo qof xaqa ku taagan oo uu qoondeeyo lacagaha iyo maaliyadaha sida loogu talagalay.
In dadka gobolka ugu badani ay helaan lacagta inta ugu badan maaha, taana waxaan rajaynayaa inaad fiirin doonto baahida jira, ee aysan ku xirnaan doonin sida loo kala badan yahay. Dhaqaalaha oo loo wada simaa dadka, waxay keeni doontaa caafimaad badan, dadka oo isku soo dhawaada, iyo iyadoo laga wada shaqeeyo wax soo saarka bada oon wali la ariminin habka loo maamulayo kaluumaysatada, ganacsatada, iyo iibsadayaasha. In la xakameeyo burcad badeedyada, la agaasimo maraakiibta sida sharci darada uga kaluumaysata xeebaheena.
Dhaqaalaha oo la simaa waxuu kaloo keenayaa in rugaha caafimaadka tusaale ahaan, ay dhaqaatiir badan u helayaan inay gaarsiiyaan meelaha caafimaad darada ka jirto, nafaqa darada dumarka uurka leh saamaysa. Waxaa kaloo taa dheer xaga dhaqaale is gaarsiinta ay xanibaad ka iman karto jidad badan oo aan jirin isku xiraya maagooliyinka fog fog iyo kuwa soke. Waxaan rajaynayaa in aad u qoondeeyn doonto qarash loogu talagalay dhisitaanka iyo hagaajinta isbitalada, jidadka, iyo rugaha caafimaadka. Ugu dambayntii, waxaan Eebe kaaga baryayaa inaad howsha lagugu aaminay natiijo loo aayo ay kasoo bixi doonto, aadna noqon doonto kii dadka isu keena, sharcigana iyo wanaagana dadka ku haga. Ogow dadka gobolka Majeerteen kaliya maaha Soomaliyoo idil baa u wada dhan taana waxay u baahan tahay in si xaqa wax loogu maamulo. Illaahay hakula garab galo howshaada. Arinkan waxaan dib u soo booqan doonaa bishan, sanadka 1436 (2015) soo socda haduu Eebe idmo.
Mahadsanids
kala soo xiriir Anisa Hajimumin
email:
Xigasho ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

About The Author