Daawo muuqaal: Rooble ”waxaan soo bandhigayaa qorshaha doorashoyinka iyo fulinta qorshaha Amniga Qaranka”
01 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay sida loogu wareejiyay xukuumada uu madaxda ka yahay howlaha doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka iyo weliba amniga guud ee qaranka.
Hadalka ra’iisul wasaaraha oo koobnaa ayaa taabanayay dhinacyo kala duwan isagoo u mahad celiyay Madaxweynaha, wuxuuna yiri “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha isagoo sameeyay tanaasul aad u weyn, u damqaday shacabka iyo qaranimada, isla markaana nagu soo warejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka”
“Golaha shacabka ayaan sidoo kale ugaga mahadcelinayaa sida ay u aqbaleen codsiga madaxweyaha oo ah in dib loogu laabto heshiiskii 17 sept ee doorashada.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaaraha.
Isagoo ka hadlay howlaha horyaal xukuumada ayuu ra’iisul wasaaruhu cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgali doonaan arrimaha doorashooyinka.
Puntlandes.com