Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u magacaabay xalinta ciidamada Dowlada Muqdisho isku hor fadhiya

04 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo ka soo tala bixiya dsidii loo xalin lahaa dhacdadii 25ka bishii april ka dhacay Muqdisho.

Guddigan ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlaamka Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Rooble ayaa dhowaan ku baaqay in ciidamadii ku dagaalamay magaalaga Muqdisho ay dib ugu laabtaan xarumahooda, taas oo saraakiisha hogaaminaysa ciidamadanaa muddo kororsiga ay ka soo horjeestey.

Ciidamada ka soo horjeestey dowlada ayaa waxaa ay dhowaan magacaabeen saraakiil hogaamisa kuwaasoo ka kooban 7 sarkaal oo isugu jira Generaalo iyo Korneelo.


Puntlandes.com

About The Author