Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Muse Bixi oo dhagaxdhigay waddado kana hadlay arimaha doorashada

04 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhagaxdhigay waddo cusub oo ay dhaqaalah ku baxaya bixinayso dawlada UK iskuna xiraysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo oo dhan 22.5KM, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda Hargeysa.

Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster oo ay dawladdeedu maalgelinayso mashruuca waddadan oo ay ku baxayso aduun dhan 17 milyan oo doollar, ayaa iyaduna ku dheeraatay muhiimadda ay waddadani u leedahay Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso isu socodka gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo yaraynta cidhiidhiga xagga gaadiidka ah ee haysta caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu ganacsatada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay waddooyin u dhisan lahaayeen, una fududayn lahaayeen isku xirka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Waxaynu u baahannay inay maskax iyo muruq isugu geynno sidii aynnu waddooyin u dhisi lahayn, inta la inaga caawiyaana waa Alxamdulilaahi, laakiin innagu weynnu dhisi karnaa baan qabaa waddooyin Badan, waxana jecelahay inaan qolada Ganacsatada ah iyo maalqabeenka dalka usoo jeediyo inay dhisi karayaan waddada Burco ilaa Hargeysa.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, waayeelka, madaxda iyo culimada Somaliland inay ka shaqeeyaan wada-jirka iyo midnimada shacabka, loona diyaar garoobo doorasho bilaa turxaan ah oo inoo qabsoonta.


Puntlandes.com

About The Author