Sawirro: Uhuru oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani
06 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah dowlada Qatar Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani.
Uhuru ayaa ka guddoomay farriin gaar ah oo looga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, kaasoo uu siday Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani oo ah Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo xalinta khilaafaadka.
Wax faahfaahin ah lagama bixin fariinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Kenya waxay ku saabsaneyd, waxaana sidan oo kale ergeygan uu u gaarsiiyay Fariin qoraal ah Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ytaa oo uu ugaga sidey siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.
Dowlada Qatar ayaa dhexdhexaadin ka dhex bilowday labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu meel xun marayo.
Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa booqasho booqasho dhowr cisho qaadatay ku tagay magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.