Sawirro: Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay guddiga dib-u-habeynta shaqaalaha iyo guddiga kasoo shaqeynayay kordhinta mushaharaadka
14 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta warbixin ka dhegaystay guddiga dib-u-habeynta shaqaalaha iyo guddiga kasoo shaqeynayay kordhinta mushaharaadka.
Labada guddi ayaa la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomay iyo meesha uu marayo qorsheyaasha dib-u-habeynta shaqaalaha iyo kordhinta mushaharaadka oo labadaba wax badan laga qabtay.