Sawirro: Degmada Bursaalax hooyada iskutashiga oo ay ka socdaa dhismo wadooyin

01 July 2021 (Puntlandes) Horumar balaaran ayaa ka socda degmada Bursaalax ee gobalka Mudug oo bulshadda degmada horay hab Iskutashi ah u hirgaliyeen mashaariic dhaxalgalay oo lagu faa’iiday, kuwaas oo muddo ka shaqaynayey Waxbarashada qaybaheeda kala duwan, Biyogelinta magaalada, Caafimaadka, farsamada Gacanta, Beero iwm.

Iminkana waxaa Bursaalax ka socda oo shacabka degmada dibad iyo gudaba ay sidii caadadood ahayd ka qaybqaadanayaan oo u is taageen hagaajinta waddooyinka magaalada dhex mara iyo kuwa ka baxa., iyagoo qaarkood Laami saaraya.

Fadlan ka qaybqaado wanaagaas oo qayb ka noqo dal iyo dad dhisid loo aayo.

Sidoo kale Shirkadda Waddaniga ah ee Kebarco oo gacanta ku haysa waddooyinka la dhisayo ayaa sidoo kale qayb wayn ka qaadanaysa, waana ku bogaadinaynaa.



Puntlandes.com

About The Author