Daawo Ilhan Omar oo suaalo la xiriira ciidamada soomaaliyeed ee ka dagaalamay gobolka tigray ee dalka itoobiya waydiisay….

01 July 2021 (Puntlandes) Guddiga Arimaha Dibadda ee congress –ka Maraykanka ayaa suáalo ka waydiiyey Robert F. Godec, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Maraykanka una qaabilsan Afrika, dagaalada Itoobiya.


Congress Ilhan Omar ayaa Robert F. Godec waxay wax ka waydiisey inay jiraan Ciidamo Soomaaliyeed oo ka dagaalamay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Robert F. Godec ayaa Ilhan u xaqiijiyey inay jiraan Ciimado Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eriteria oo gudaha u galay gobolka Tigray ee dalka Utoobiya, ayna ku hawlan yihiin helida macluumaad dheeraad ah.

Madaxweyne Farmaajo sidii uu u aamusnaa markii uu dhiibay halgamaa Qabidhagax ayuu iminka uga aamusan yahay waalidiinta ooyaya oo caruurtooda uu geliyey dagaal aan waxba ka gelin Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author