Sawirro-Muqaalo: Baarlamaanka Puntland oo ansiciyeuy Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020

03 July 2021 (Puntlandes) Fadhiga 9aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta qabsoomay.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 46 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020, taas oo Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladu ay kusoo sameeyeen akhriskii 2aad, iyagoo Golaha lawadaagay Warbixintooda.

Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Mudane, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.

Daawo Gudiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo faahfaahinaya siday kubaxday Miisaaniyadii 2020

Daawo Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Miisaaniyadii 2020 dood dheer kadib


Puntlandes.com

About The Author