Sawirro: Warbaahinta dawladda Puntland oo si rasmi ah loo hoos-geeyay Wasaaradda Warfaafinta Puntland

03 July 2021 (Puntlandes) Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiye kuxigeenka Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Munaasabad maanta ka dhacday xarunta dhexe ee Puntland State TV iyo Radio Puntland oo lagu shaacinayay in Warbaahinta Dowladda si rasmi ah loo hoos-geeyay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, kaddib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullahi Deni.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Dowladda Puntland Mudane Daahir Cabdulqaadir Axmed, ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan Wasaaradda Warfaafinta Puntland, isagoona xusay inay rajeynayaan in Wasaaraddu gacan ka geysato Hormarinta Warbaahinta Dowladda.

 


Puntlandes.com

About The Author