Dagaal ka qarxay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne

04 July 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyo taabacsan General Xuud uu ka bilowday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jebis kadib markii ay gudaha u soo galeen maleeshiyaadka taabacsan General Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka balse xaalada ayaa degen haatan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inuu salka u hayo diidmo ay diidan yihiin kooxda uu hoggaamiyo General Abuukar Xuud kulan maanta la qorsheeyay inay golaha wasiirada Hirshabelle ku yeesheen magaalada Beledweyne.

Shalay ayaa waxaa gaaray magaalada Beledweyne qaar kamid ah golaha wasiirada Hirshabelle oo ka tegey magaalada Muqdisho, iyadoo halkaa uu hore ugu sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Hagar Dabageed.

About The Author