Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadkiisa

04 July 2021 (Puntlandes) Fadhiga 10aad ee Kalfadhiga 48aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shirguddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan & Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxa uu maanta u codeeyey wax ka bedelka xeerhoosaadka Golaha.

Wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ayaa waxaa Golaha u soo gudbiyey Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, Soojeedinta kadib goluhu ku taageeray cod aqlabiyad ah.

Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana u ogolaaday Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada 38 Xildhibaan , waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.



Puntlandes.com

About The Author